Shaxda lagu qeyb-sadey Ciidanka cusub ee Bada Puntland oo aan Gobolka Gardafuu lagu soo darin

Waxaa soo baxaya cabasho iyo xanaaq laga muujinayo sida Maamulka madaxwayne c/wali maxamed cali Gaas u qaybiyay 150 kamid ah Ciidanka cusub ee Bada Puntland oo aan Gobolka Gardafuu iyo beelaha degaba oo saami wayn ku lahaa lagu soo darin

shaxda qeybsiga ciidanka cusub ee badda puntland sida muuqata looma tix galin shuruucda ciidanka badda puntland oo saldhigyo muhiim ah ku leh Gobolka Gardafuu , iyo sidoo kale gobolka Gardafuu oo saamiga ugu wayn ku leh badda puntland oo ciidamadaasi ka hawl gali doonaan.

Beelaha Degta Gobolka Gardafu ayaa horay u tabanaayay cadaalad darro xagga qaybinta jagooyinka iyo xilalka dowladda Puntland ayagoo horay ugu gudbiyay Madaxwayne C/wali Gaas wuxuu madaxwaynuhu u ballan qaday odayaashii la shiray inay wax badani isbedelayaan oo khaldkii dhacay la sixi doono

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain