Warar kala duwan oo kasoo baxaayo Cidii ka dambeysay weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Hotel Centeral

Warar kala duwan oo kasoo baxaayo Cidii ka dambeysay weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Hotel Centeral
Warar kala duwan ayaa waxa uu kasoo baxayaa ruuxa fuliyay weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay Hotel Centeral ee Magaalada Muqdisho.

Wararka qaar waxa ay sheegayaan in weerarkaasi uu fuliyay ruux horay u degnaa Hoteelka oo la sheegay inuu ka yimaaday dalka dibadiisa, islamarkaana xili hore uu halkaasi kusii diyaariyay gaari nooca raaxada ah oo uu watay baryahaani dambe.

Dadka ku sugnaa Hoteelka ayaa sheegaya in Ruuxa ismiidaaminta fuliyay looga shakisan yahay ruux ku dhawaad Hal bil degnaa Hoteelka waxaana jiro baaritaano lagu xaqiijinaayo wararka la xiriira ruuxaasi.

Inta badan dhaawacyada Mas'uuliyiinta ayaa loo daadgureeyay Isbitaalka Turkiga ee Digfer ee Magaalada Muqdisho, waxaana la adkeeyay gabi ahaan Amaanka Isbitaalkaasi.

Raysalwasaare kuxgeenka Dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib, ahna sii hayaha xilka Raysalwasaaraha ayaa ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmey weeraradii al-Shabaab ay ka fuliyeen qaar kamid ah Hoteelada Muqdisho xilli lagu jiro Salaadii Jumcaha.

Raysalwasaare kuxigeenka ayaa la geeyey isbitaalka Digfeer waxaana soo gaarey dhaawac fudud oo dhanka lugaha ah. Qaalib ayaa ku dhaawacmey banaanka masaajidka Hotelka Centrel waxaana uu ka mid ahaa dadkii soo daahey oo dhanka daaradda ku tukadey, marka qaraxu dhacaayey.

Qaraxa ayaa loo adeegsadey gaari, waxaana uu dhacay xiligii salaadda laga baxay sida uu sheegey Salaad Cali Jeele oo ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmey.

Masaajidka ayaa derbigiisu dumey waxaana ku dhaawacmey dad uu ka mid yahay:
1. Cali Axmed Jaamac Jiingeli Wasiirka Gaadiidka
2. Nuur Faarax Wasiirka Dekadaha iyo Kheyraadka Badda
3. Xil. Cabdulqaadir Cali Cumar,
4. Wasiirkii hoore ee arrimaha gudaha Cabdiraxmaan maxamed Bangax oo Puntland ka soo noqdey Wasiir, 5. Xukuumaddii Cabdiweli Shiikh ka soo n oqdey Wasiir ku xigeen.
6. Xil. Salaad Cali jeele iyo qaar kale oo badan.

Dadka dhintey waxaa ka mid ah:

1. Xil Cumar Cali Nuur (Furdug),
2. Maxamuud Ducaale Muuse- (Xaaji Gafe) (Xildhibaankii bedalay Cali Khaliif Galayr)
3. Gud Ku Xigeen Banaadir- Maxamad Aadan Caanageel.
4. kuxigeenka Xoghayaha joogtada ah ee xafiiska raysalwasaaraha Soomaaliya, Maxamed Cilmi iyo
5. la taliyaha raysalwasaare kuxigeenka abdifataax Khaliif Baadiyow.
6. Cabdishakuur Mire Aaadan ( Wasiir & Suxufi hore)
7. Suldan Cabdulqaadir Suldan Cali Suldan Y. Keenadiid waxaa isagana uu dhaawac halis ah kasoo gaaray wiilkiisa oo isaguna ku sugnaa masaajidka qaraxa lagu bartilmaameedsaday.
Dadka ugu badan ee ku waxyeeloobay qaraxa ayaa waxay u badan yihiin dad kasoo jeeda Puntland oo deganaa hoteelada la bartilmaameedsaday.

Hoos ka daawo qaar kamid ah sawiradii qaraxa maantay ka dhacay hotel centeral




Baargaal.net
isha wararka Horumarka Calbari
Email: Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain