Wasaaradda haweenka iyo arrimaha qoyska Puntland oo qabatay munaasabad lagu taageerayo ololaha dabar goynta qaadka ( Sawiro)

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Eng Cabdi Xakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad lagusoo dhaweynayay olalaha dabar goynta qaatka ee ka socda.

Munaasabadaan ayaa waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda haweenka iyo arimaha qoyska, Waxaana looga hadlay dhibaatadu uu maandooriyaha qaatku ku leeyahay nolashada bulshada iyo sidii looga shaqayn lahaa joojintiisa.

Wasiirka horumarinta haweenka iyo arrimaha qoyska Puntland Aniso Cabdiqaadir Xaaji Muumin ayaa sheegtay inay munaaasanadaan kusoo dhaweynayaan Abuukar Cawaale oo ay sheegtay inay kala qeyb galayaan wacyi galinta dabar goynta qaatka.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa sheegay inay taageersan yihiin ololaha la dagaalanka Qaatka ee uu haatan Puntland kawado Abuukar Cawaale Qaatdiid, Wuxuuna intaas ku daray inay dowladdu ka qeyb qaadandoonto ololahaan.











SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka Horumarka Calbari
Email: Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain