Waxaa maanta si toos ah u furmay kalfadhigii Golaha deegaanka ee Degmada Baargaal ( Sawiro)

Waxaa maanta si toos ah u furmay kalfadhigii Golaha deegaanka ee Degmada Baargaal, waxaana kala fadhigu uu ka furmay Xarunta Dawlada Hoose ee Degmada Baargaal

Furitaanka kalfadhiga oo ay kasoo qeyb galeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Gardafuu,kan Degmada Baargaal,Odayaal dhaqameed,haween &Dhalin yaro ayaa waxaa si toos ah u furay Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu Mudane C/Qaadir Yuusuf Maxamed Ismaaciil iidi.

Gudoomiyaha Gobolku wuxuu amaaney shaqooyinkii ay qabteen Golaha Deegaanka ee Magaalada Baargaal,loogana fadhiyo inay sii siyaadiyaan Shaqada ay bulshadooda u hayaan.

Gudoomiyaha Golaha deegaanka ee Degmada Baargaal Ahna Duqa Magaalada Abuukar Axmed Yuuusf  ayaa isna halkaas hadal kooban oo uu kasoo jeediyey wuxuu kaga waramay waxqabadkii ay ku tilaabsadeen intii ay jireen,wuxuuna gudoomiyuhu sheegey inay waxbadan qabteen ayna howlo badani u dhiman yihiin,dadka Magaalda Baargaalna  wuxuu kula dardaarmay inay golaha la shaqeeyaan oo aysan howsha ku fiirsan.

Kala fadhigan Maanta la furay ayaa socon doona Mudo dhawr cisho ah  sida uu sheegay Gudoomyaha Golaha Deegaanka ee Degmada Baargaal waxay goluhu tiigsanayaan inay qabtaan Howlo badan oo uu deegaanku u baahanyahay

Hoos Ka Daawo Sawirada









SHABAKADA BAARGAAL.NET
ISha wararka Horumarka Calbari
Nagala soo xiriir email: Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain