Xaflad Loo qabtay arday xifdisay Quraanka Kariimka Degmada Baargaal ( Sawirro)

42 arday oo isgu jiray gabdho iyo wiilal oo kamid ah da'yarta Dugsiga Daar Aw-Cumar ee Xifdinta Quraanka Kariimka iyo waxbarashada asaasiga ah ayaa maantay xaflad shahaadooyin lagu gudoonsiiyay loogu qabtay magaalda Baargaal kadib markii ay quraanka kariimka xifdiyeen.

Munaasabadda qalin jabinta oo ka dhacday dhismaha Dugsiga dar aw Cumar ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin badan oo uu hor kacayay Gudoomiye Ku xigeenka Degmada Baargaal Mudane Yuusf Maxamed Xirsi ,Cuqaal waxgarad, aqoonyahano ,Ganacsato ,waalidiinta da'yarta , iyo dadwayne aad u farab badan oo mudooyinkan sugayay Munaasabadan.

ugu horaynti waxaa Xaflada Lagu daahfuray aayado quraan ah oo uu akhriyay arday kamid ah ardayda Dugsiga Daar cumar intaasi Kadibna waxaa hadalka furay maamulaha dugsiga Daar Aw Cumar shiikh cawil
jaamac muuse oo marka hore soo dhaweeyay martidii xaflada kasoo qayb gashay.

Maamulaha Dugsiga Daar cumar ayaa ayaa faahfaahin Ka baxshay Dufcadan sanadka oo ah Dufcadii afaraad ee Ka qalanjabisa Dugsiga Daar Aw Cumar, marxaladihii ay soo mareen ilaa ay ku guulaysteen xifdinta quraanka kariimka.

maamulaha ayaa hoosta ka xariiqay in muhiimada xafladu tahay sidii loogu dhiiri galin lahaa ardayda inta dhimana inay ku daydaan ardaydan maantay la abaalnarinaayo.

Waxaa kadib makarafoonka qabsaday Gidoomiye Ku xigeenka Degmada baargaal Mudane Yuusuf Maxamed Xirsi ,asagoo u hanbalyeeyay ardayda xifdisay quraanka Kariimnka kuna dhiiri galiyay ardayda kale inay ku daydaan oo aqoonta tarbiyad ku darsadaan.

xafladan ayaa waxaa sidoo kale hadalo qiimo leh ka jeediyay waalidiin ,xubnu kamid ah guddiga waxbarashada , culimo iyo marti sharaf kale oo badan , kuwaaas oo dhamaan u hambalyeeyay ardaydan xifdisay kalaamka alle oo ah wax la barto waxa ugu khayrka badan.

Dufcada Sanadkan Ka qalin jabisay xifdinta Qur'aanka Kariimka Dugsiga Daar aw Cumar , waxaa tiradoodu dhan tahay 42 arday oo isugu jira 21 wiil iyo 21 gabdhood ,

Ugu danbayntii xaflada ayaa waxaa ardaydii qalin jabinaysay la gudoonsiiyey shahaaadooyin iyo abaalmarino kale.
























SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka Horumarka Deegaanada calbari
email:Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain