Aan Wada Talinno Tafaraaruq Iyo Togoogo Jab Bay Keentaa

Aan Wada Talinno Tafaraaruq Iyo Togoogo Jab Bay Keentaa
Waxaan ku bilaabayaa magaca Allah ee naxariis oo dhan iska leh

Waayadaan danbe waxaa inagu faafay cudurro dhibo badan oo burbur qaran nagu riday, kaaga sii darane jeermiskii cuduradaas wuxuu noqday mid aan dawadiisu adagtahay oo aan wali kasoo kaban la’nahay burburkii uu cudurkii jeermiskaasi noo keenay… Cuduraradaas waxaa ka mid ah, dhammaantayo waxaan wada noqonnay Danbi baarayaal, Taliyayaal, Qoraayaal, Caalimiin iyo Siyaasiin…

Hadda ka hor ayaa Somaliya waxaa yimi nin ka mid ahaa Ragga Dilidda loo kiraysto oo la oran jiray Carlos, qasdiga ninkaasi u yimi wuxuu ahaa inuu waayo ku dhuunto oo uu ku nasto maadaama uu ahaa ninka kaalinta labaad kaga jiray adduunka dhanka dilidda… Ninkaasi markuu waddanka yimi laba maalmood waa joogi kari waayey… 


Sida laga sheegay wuxuu ku tilmaamay Somalida dad aan lagu dhex dhuuman karin oo aad mooddo inay dhammaantood yihiin danbi baarayaal… Markaad dhuuxdid dhadhankeeda oo aad dhaqanka Somalida hadda jirta barbar dhigtid dhaqamada dadyowga kale tilmaantiisaasi waxay noqon run… Haddii wax yar meel ka dhacaan oo adigoo meeshii taagan mid kuu yimaado, kaa tegi maayo ilaa uu kaa waydiiyo konton su’aalood, sidee arintu u dhacday yaa qaladka lahaa muxuu uga jeeday ma waallaa…. Adna intaas waxaad ku haysaa walaaloow haddaan soo istaagay war kama hayo isna kaa joojin maayo waraysiga….

Waxaa iyana jirta arin kale oo taas ka dhigan oo aan waayadaan danbe dhaqan inoo noqotay oo ah dhammaan teen oo wada ah taliyeyaal… Haddii aad u timaadid baabuur dhacay oo la toosinayo intaas meesha wada joogtaa majaraha talada waa wada hayaan iyagoon midna kan kale dhagaysanayn, sawaxanka iyo buuqa meeshaa ka socda indhahaa ku daalaya sidaad hadba mid u eegaysid, dhaga barjawna waad ka qaadaysaa… Mararka qaar intay xaajadu faraha ka baxdo ayaa labo feer, isku godlaan… Waxaa kaloo Iyana waayadaan danbe dhaqan inoo noqotay haddii mid dabakaayo furto oo qasacado maran kasoo buuxsho oo dadku bilaabaan inay ka gataan, dhowr ayaa Iyana ka ag furanaya dabakaayo kale oo isla intii keenaya…

Waxaa Iyana jirta tan iyo intii Internetku caalamka ku baahday inaan dhammaanteen wada noqonnay Qoraayaal oo webkaad furtidba ka helayso boqol maqaal oo midba Talo gooniya oo ka duwan midka kale la ruclaynayo… TV yada iyo Radiyayaashuba kasii daran shaqsi kastaa Talo ayuu la rogmanayaa oo ku dadaalayaa intiisa la qaato oo ay kuwa kale tiisu kasaxan tahay… oo anigu aan lambar one ka ahay qoraayaashaas talada la ruclaynaya… Barnaamijyo la magacbaxay aragtida dad waynaha…, waxay ila tahay iyo magacyo kale… Isku raacidi hasheegin waa ama tayda ama gawrac… Qoraaladuna kaba sii daran qof kastaa waxaa ku jirta yaan lagaa badin, Ismuuji oo ah hebelba qorye adna qor….

Waxaa Iyana jirta Siyaasaddii oo iyaduna noqotay noocyadaas oo kale waliba dhanka ismuujiska ah, waxaa dhacda in qaar musharaxnimo kharash badan ku baxshaan iyagoo og inaan cidina dooranayn laakiin qasdigoodu yahay halagu arko oo hawdhow halagu yiraahdo waa musharaxii hebel ee waa gii kidaa… Waxaa dhacda kuwa aan waligood maamul wuxuu yahay iyo meel laga maro aqoon inay suxul duub u galaan inay ka mid noqdaan masuuliyiinta iyagoo reerka ay kasoo jeedaan kusoo riixa inay bari taaraan oo ay soo samaystaan shahaadooyin macmal ah…

Somalidii hore sidaan maqashoonahay ma aysan lahayn dhaqanka noocaas is barbaryaaca ah ee waxay ahaayeen dad kala danbeeya oo ruuxa wax garadka ah looga danbeeyo garashadaas wanaagsan ee uu leeyahay laguna xushmeeyo…. Kan aqoonta diiniga ah leh isna sidaas si le eg xushmadiisa ayuu lahaan jiray…. Kan cilmiga kale leh isna xushmadaas mid le eg ayuu lahaan jiray… Ruux kastaa bulshada wuxuu kusoo kordhin karo ayuu soo bandhigi jiray hadday macquul noqoto muran iyo dhinac ka doox ma dhici jirin…

Sheekooyinka oday ka oday aan ka hayno waxaa ka mid ah, in waa beel inay tashato baahideedii soo if baxday, odoyaal ayaa geed hoostiis isugu yimi… Odoyaashii oday ka mid ah ayaa soo jeediyey in lasoo xulo oo loo yeero Garcasta beesha si ay uga taliyaan taladaan baahideedu timi…. Geedka ay hoos fadhiyeen wiilyar oo saarnaa ayaa yiri… Garcas ha xulinee wax garadka xula… Taladaa wiilkaa geedka saarnaa usoo jeediyey waxay noqotay mid la wada qaatay oo dhashay aakhirkeedii in beeshii tubtii toosnayd Allah swtc waafajiyo… Talo sideedaba macna ahaan waa wixii wanaag kuu horseeda ee maaha wixii hoog iyo wax kasii daran kugu haga… Mana aha arin ku timaadda is barbar yaac iyo yaan lagaa badin ama hebelba yiri ee anna aan dhaho.

Gabagabadii

Oraahyada Somalida waxaa ka mid ah Doontii Naakhuda Badan dakhalkaa jaba… Waxaa kaloo Iyana jirta Oraah Carbeed iyo Somaliba ah oo ah haddii kariyayaashu bataan maraqaa xumaada…

Haddaba hadaynu dhammaantiin wada noqonnay…. Taliyayaal, Danbi baarayaal, Siyaasiyiin, Caalimiin….

Soo Taladii inaga noqon mayso sida ku dhacda…. Doonta Naakhudaha badan leh Ama Maraqa Kariyayaasha badan leh….

Soo waxa hadda ina haysta oo lafdhabarta inaga jebeiyey oo aan kasoo toosi la’nahay soo taas maaha…

Oo kallifay in Waddammo kale inaga faa’iidaystaan oo innagu eedeeyaan inaaynaan tashan karin ee halloo taliyo waxa keenay maaha

War Hooy Somaliyeey Talada Laysku Raaco Oo Aan Is Daba Yaaca Ahayn Sidii Awoowayaashen Ayeey Meel Mar Noqotaa…..

War Hooy…. Talada Wanaagsan Tubta Toosan Tiigsadeey Taabba Gelisaa

Wa Billaahi Tawfiiq
Qore: Eng. Abdirashid Abdi Daad (Ciiltire)

Email: guurey@hotmail.com
https://www.facebook.com/Guureey
http://aadciiltire.wordpress.com/
https://www.facebook.com/AADCiiltire
Developed by Jago Desain