Ambasador Yusuf Ismaaciil Bari bari oo weerarkii Hotel Maka al-mukaramah lagu dilay

Allaha u naxariisto Ambassador Yusuf Bari Bari ayaa ku geeriyooday Isbital Medina ka dib dhaawac ka soo gaaray Weerarkii Hotel Maka Al Mukarama.

Madaxweynaha dawlada fedraalka Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya, R.wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar C.rashiid iyo Xubnaha Labada Gole ee dowladda ayaa umadda soomaaliyeed uga tacsiyeey Geeridii ku timid Wakiilka dowladda soomaaliya u fadhiya xarunta Xuquuqul Aadanaha Ee Geneve Yuusuf Maxamed Ismaaciil.

yuusuf Maxamed Ismaaciil Baribari ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray Weerarkii naftii halignimada ee Argagixisada Al Shabab ka geysteen Hotelka Maka Al Mukarama.

Alaha u naxariistee Yuusuf Baribari ayaa ahaa Diblumaasi ka soo sheqeyay dalal badan oo caalamka.

Madaxda Qaranka Ayaa sidoo kale Tacsi Tiiraanyo leh u diraya ehelada dhamaan dadka ku geeriyooday weerarkaasi iyagoo alle ugu baryay in janadii firdowsa ka waraabiyo.

Yuusuf Maxamed Ismaaciil Waxuu ahaa Safiir qaali nagu wada ah oo waddani dhab ah Waxuunu u taagnaa difaaca Xuquuqul Insaanka.
Allaha u naxariisto. AAMIIN

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain