Faahfaahin dheeraad ah oo ka soo baxaya Labo nin oo Al Shabab looga shakiyay oo lagu qabtay Degmada Caluula ee Gobolka Gardafuu

Ciidamada degmada caluula ee xarunta gobolka Gardafuu ayaa maalmo ka hor gacanta ku dhigay labo nin oo looga shakiyay inay ka tirsanyihiin ururka al shabaab xili ay dhex socdeen tuulooyinka hoos yimaada degmadaasi
labadaasi nin oo mid kamid ah gadaal ay ka sheegeen ciidamadu in la dilay.

Labadaasi nin ayaa la sheegay in mid kamid ah kasoo jeeday degaanada koonfurta soomaaliya halka kan kale lagu sheegay kenyaati.

Wali ma cadda qaabka iyo sababta keentay dilka ninkaasi ku jiray gacanta ciidamada

Ma ahan Markii ugu horaysay oo Deegaanadaasi lagu Qabto ,rag looga shakisanyahay inay katirsan yihiin kooxda alshabaab.

Dawlada Puntland ayaa dagaal adag kula jirta xubnaha Xarakada al Shabaab ee ku jira buuraha Galgala ayagoo kooxahaasi mararka qaar weeraro gaadmo ah ku soo qaada magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain