Faallo : Madaxwaye Gaasow aaway Iskushaandhayntaad ku samayn lahayd Golahaaga Wasiirada !!

Faallo : Madaxwaye Gaasow aaway Iskushaandhayntaad ku samayn lahayd Golahaaga Wasiirada !!
Waxa dhawaanahan aynu maqlaynay inay dhici doonto isku shaandhayn uu madaxwaynuha puntland prof. C/Wali maxamed cali Gaas damacsanyahay inuu ku sameeyo golihiisa wasiirada sanadka Cusub taas oo looga qaadaayo xilalka  wasiirada ay wasaaradahooda ka muuqatay shaqo xumo, musuqmaasuq iyo waxqabad la’aan.

Golaha wasiirada xukuumada Puntland ayaa la sheegi jiray  inay wadnaha farta ku hayeen Dabayaqadii Sandakii Tagay ee 2014  markii madaxwaynuhu La xisaabtanka adag ku hayay golihiisa wasiirada , Ayagoo qaar badan oo ka mid ah golaha wasiirada ay walaac weyn ka qabeen haddii madaxweynuhu isku shaandhayn ku sameeyo golaha wasiirada in xilalkooda ay wayn doonaan.


Taasi Ma dhicin oo ilaa hada ma jiraan warar rasmiya oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland  oo xaqiijinaya in madaxweyne C/wali Maxamed Cali Gaas isku shaandhayn doono golihiisa xukuumada ama isbadel Ku samayn doono.


Waxaana layswaydiinayaa sababaha keenay inuu Madaxwayne C/wali Maxamed Cali Gaas Ka noqdo ama dib u dhigto Isku shaandhayntaas asagoo Dareensan Ahamiyada ay leedahay wakhtigan Lagu jiro , oo Bulshadu ka sugaysay Madaxwaynaha inuu ku dhiirado run u sheegida masuuliyiinta Xilalkoodii kasoo bixi waayay oo aanu ka gabban sida hadda muuqata si Dawlada iyo Bulshaduba Dhinac  looga soo wada jeesto xoojinta nabadgalyada iyo kobcinta Dhaqaalaha.


SHABAKADA BAARGAAL.NET 
Isha wararka Horumarka Calbari
email: Baargaal@gmail.com

Developed by Jago Desain