Falanqaynta Ciyaarta Dunida ugu daawashada Badan El Clasico ee dhexmaraysa Real Madrid VS Barcelona

Falanqaynta Ciyaarta Dunida ugu daawashada Badan El Clasico ee dhexmaraysa Real Madrid VS Barcelona
waxaa dhamaan malaayiin qof ay wadnaha iyo ishaba ku hayaan Garoonka camp Nou oo saacadaha soo socda uu ka dhici doono kulanka kulamada aduunka ee ciyaaraha kubada cagta ugu qiimaha badan uguna xiisaha badan ugu xamaasadda badan uguna qaalisan waa kulanka kulamada aduunka loogu jecel yahay waa kulank El CLASICO ee dhexmara kooxaha Real Madir iyo Barcelona.

Kulanka habeen danbe axada marka saacada afrikada Bari Tilmaamayso 11:00 PM ka dhacaya Camp Nou waxaa laga baahin doonaa in ka badan 100 dal, iyadoo ay ciyaarta xaadiri doonaan kumanaal wariyaal ah oo ka socda dunida daafaheeda.

Ciyaartaas Caalamku wada sugaayo , ayaa sidoo kale shabakada Baargaal.net diyaar u tahay inay idiin soo gudbiso si ka duwan sida baraha kale looga soo tabinaayo kulankaas lawada sugaayo

Calaamadahu waxay sheegaayaan in Kooxda Barcelona oo hada mudooyinkan danbe soo bandhigaysay ciyaaro qurux badan iyo awood ay u sheeganayso kooxa kale inay kulankaas garoonkooda ka dhacaaya aya badinaayaan oo natiijo maslaxadooda ah ka gaaraayaan.

Laakiin kooxda tababare karlo anshaluuti ee Real madriid waxay aalaaba ku gacan saraysaa kulamada ka dhaca garoonka kaamnuu ee kooxda barcelona


waxaa intaasi dheer in aysan waligood ku khasaariin real madriid garooka kaamnuu iyadoo ay u safanayaan laba ciyaartooy ee beebe iyo sergio raamoos 

marka dhamaan waxaan sugaynaa kulankaas aduunka dhan laga sugaayo anagoo dhawrayna kooxda habeen danbe farxi doona , ma haybada kooxda boqortooyada ayaa sarayn doonta misa islawaynida kooxda barcelona iyo messi ayaa gacan sarayn doona 

annaga maamulka iyo shaqaalaha Shabakada Baargaal.net waxaan saadaalinayaan inay koooxda Kiristiyaanio roolaando ay gacan sarayn doonaanan kulanka El CLASICO ee dhexmara kooxaha Real Madir iyo Barcelona.

labada Laacib ee aduunka uguRonaldo iyo Messi ayaa xifaaltan xaga kubada cagta ah ka dhaxeesa, ayagoona ka dhigay kubada cagta waxyaabo aan horay loo arag.

Hadaba 10 kii kulan ee ugu qatar sanaa ama ilaa haatan aan la ilaawi karin ee labadan kooxod Wada yeesheen ayaa ahaa.

13 june 1943 copa del Rey semi final second leg-real madrid 11-1 barcelona
December 4th 1960 – La Liga – Barcelona 3-5 Real Madrid
January 27th 1963 – La Liga – Barcelona 1-5 Real Madrid
January 8th 1994 – La Liga – Barcelona 5-0 Real Madrid
March 17th 2002 – La Liga – Barcelona 1-1 Real Madrid
April 23rd 2002 – Champions League semi-final first Leg – Barcelona 0-2 Real Madrid
March 10th 2007 – La Liga – Barcelona 3-3 Real Madrid
November 29th 2010 – La Liga – Barcelona 5-0 Real Madrid
April 27th 2011 – Champions League semi-final first Leg – Real Madrid 0-2 Barcelona
August 29th 2012 – Spanish Super Cup second Leg – Real Madrid 2-1 Barcelona.


SHABAKADA BAARGAAL.NET
Developed by Jago Desain