Madaxweynaha Dowladda Puntland Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Kismaayo

Wafdi Balaaran oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Kismaayo iyadoo garoonka diyaaradaha ay si diiran ugu soo dhaweeyeen madaxda ugu sareeysa ee maamulka Jubbaland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ammaanka magaalada ayaa siweyn loo adkeeyay kahor intii uusan iman wafdiga, waxaana sidoo kale xirnaa isu socodkii gaadiidka ee isaga kala gooshi jiray xaafadaha magaalada, iyadoo wadooyinka iyo isgoysyada lagu arkayay ciidamo sugaya ammaanka.

Soo dhaweynta wafdiga ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa cayaaraha hidaha iyo dhaqanka ee ay caanka ku yihiin gobollada Jubooyinka, waxaana intaa kadib wafdiga madaxweeynaha loo gelbiyay xarunta madaxtooyada ee magaalada Kismaayo.

Madaxweeynaha Dowlada Puntland Dr. C/weli Max’ed Cali Gaas oo saxaafadda kula hadlay gudaha madaxtooyada Kismaayo ayaa ka mahadceliyay sida loogu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo, isagoo xusay in ay u yimaadeen sidii loo adkeyn lahaa xiriirka u dhexeeya Dowladda Puntland iyo Maamul Gobaleedka Jubbaland, waxa uuna sheegay in uu kulamo la qaadan doono madaxda maamulka Jubbaland.

Sidoo kale, madaxweeynaha Maamul Gobaleedka Jubbaland Sheekh Axmed Madoobe oo isna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin wafdiga ballaaran ee uu hogaaminayo madaxweeynaha Dowlada Puntland ee soo gaaray magaalada Kismaayo isagoo sheegay in Puntland ay qeyb weyn ka qaadatay dhismaha maamulka Jubbaland.

Booqashadan ayaa noqoneeysa tii ugu horeeysay oo uu madaxweeynaha dowladda Puntland ku yimaado magaalada Kismaayo tan iyo intii loo doortay xilka madaxtinimo ee maamulkaasi.






BAARGAAL.NET
Isha wararka Horumarka Calbari
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain