MAQAAL:Madaxwayne Xasan Shiikh GarabMarka Dastuurkii Lagu Doortay Ulakac Mise Aqoondarro

MAQAAL:Madaxwayne Xasan Shiikh Garab Marka Dastuurkii Lagu Doortay Ulakac Mise Aqoondarro
Waxaan ku bilaabayaa magaca Allah ee naxariis oo dhan iska leh

Sidaan ognahay waxaa isugu yimi magaalada muqdisho Isimada beelaha Somaliya, waxaa la xulay ergo ergadaasi waxay ansixisay dastuur, dastuurkay asnsixiyiin waxaa loo doortay Maamul tix raaca oo fuliya xeerkaas lagu wada heshiiyey si nabad iyo isu keenid loogusoo dabaallo shacabkii dhibaatadu kala gaartay oo loo furo waddo heshiisiimeed si loo helo jawi nabadeed...

Sidiisaba Dastuur waa xeer ay degsadeen qoomiyad ama shacab waddan ama degaan wadaaga, xeerkaas oo ujeedka gundhigiisu yahay inay ku xeertamaan markii khilaaf soo kala dhex galo ama dhibi timaado.... Xeerkaas Shacabkaas degaan wadaagga ah ama waddan wadaagga ah hadday muslim yihiin, haddii xeerkaasi xal keeni waayo waxaa Rabbiga swtc ee ay aaminsan yihiin u jideeyey xuduud aan la dhaafi karin oo ciddii xadkaas jabisa Xagga Rabbi ay kala kulmayso ciqaab ama dib dhacda ama soo degdegta... Haddiise Xeerkaasi yahay mid ay kuwada heshiin karaan oo nabad iyo wanaag ay ku wada noolaan karaan.... Allah swtc waa u fasaxay wixii ay bidaan masaalaxo... 

Masaalaxadaasna waxaa soo gelaya Dastuurka Ama Xeerka ruuxba siduu u yaqaan.... Xeerkaasina waa inuusan ku xad gudbayn xuduudda Allah jideeyey ee aan lagu xad gudbi karin...

Xasan Shiikh dhaar wuxuu ku maray inuu xeerkaas lagu heshiiyey ku hagi doono waddanka kana cadaalad samayn doono... Xeerkaas muhiimaddiisa ugu wayn waxaa weeye wada heshiisheen laga dhex sameeyo dhammaan shacabkii Somaliyeed ee dhibtu kala gaartay, Waxaa kaloo ka mid ahaa xeerkaas in lagu heshiiyey nidaam Fedaraali ah... Nidaam kaas Federaaliga ah, gun dhig waxaa u ahaa in la sameeyo Dawlado xubin ka noqda Dawladda federaalka....

Heshiisyadaas ama xeertankaas waxaa ka mid ahaa in shacabka degaan wadaagga ahi ciddii ku heshiisa dhexdooda iyagoon faragelin lagu samayn, inay samaysan karaan Dawlad ka noqota xubin Dawladda federaalka.... Shuruudda Dawladdaas shacabkaasi samaysanayo waxay ahayd LABA GOBOL IYO WIXII KA BADAN oo ay shacabkaasi heshiis kuwada yihiin.... Taas oo macnaheedu tahay Laba gobol iyo tuulo ama laba tuulo ama degmo ama laba degmo ama Saddex Gobolba iyo wixii kasii badan.... Laakiin xeerka aan la dhaafi karin ay tahay in Dawladdaasi xubinta ka noqonaysaa dhan tahay LABA GOBOL oo aanay ka yarayn xataa tuulo in dhan, ayse ka badnaan karto LABA GOBOL....

Haddaba haddii ay muhiimadda koowaad ee xeerkaas loo degsaday ay ahayd in dib u heshiisiin iyo in lasoo cesho kalsoonidii dhuntay ee shacabka Somaliyeed ka dhaxaysay, miyaanay waajibka Xasan saaran ahayn inuu ku dhaqaaqo sidii uu heshiiseen ugu soo dabaali lahaa dhammaan shacabkii dhibtu kala gaartay oo wanaagga iyo sharaftu walaaltinimada ku dheehan ka dhaxayn jirtay....

Waxaa marka is waydiin mudan maxay tahay sababta dhaqaaqii uu sameeyo Xasan ay u kicinayso saxmad iyo is colaadaysi hor leh...?!!! Sidaynu ognahay Jubbooyinka in badan ayuu ka daba laad laaday oo aanu wali ka marnayn... Shabeelada Hoose wali saxmadduu ka kacshay waa taagan tahay oo ma damin inay kor usii kacdo maahee... Shabeelada dhexe iyaduna heerkay gaartay cid ay ka qarsoon tahay maanta ma jirto... Hiiraan xaajadu meel xun ay ka taagan tahay, haatanna waxaa mid hor leh ka aloosmaysaa gobolada dhexe... Banaadir sidoo kale wax heshiin ah oo dhex martay ma jirto shacabka dega Banaadir oo ay Dawladdu ka samaysay....

Waxaa intaas sii raaca samxadda kale ee uu hormuudka ka yahay oo ka bilaabmi rabta Galgaduud oo iyadoon shacabkii dhibtu kala gaartay wax heshiisiin ah la dhex dhegin laysku dayayo in Sandulle ku noqda Maamul hebel lagu khasbayo shirkuna magaalo heblo haka dhaco maamulkaas lagu samaynayo.... Haddii Daacadi jirto in la heshiisiiyo soo kama horayso intaan maamulba laga sharqamin, arinta kalana loo fasaxo shacabka degaamadaas degaa Tuulo kasta ama Degma kastaa meeshaay ku darsanayaan oo raacayaan ka Dawlad ahaan Dawladaha xubinta ka noqonaya Dawladda Federaalka... Ku qanacsanaanta shacabka waxaan ka ahayn soo ku khasbid maaha, ku khasbidi colaad iyo dhib waxaan ahayn miyaa dhashaa....

Waxaa Iyana fiirin mudan Dawladihii dhisnaa Sida Puntland iyo Somaliland oo si xad dhaaf ah Xasan olole ugu hayo inuu colaad kala jajabin ah ka dhex abuuro mid kastaba gooni ahaanteeda... Meeshii labadaas Dawladood khilaafka dhex yaala lagusoo dabaali lahaa sida Dastuurka waafaqsan oo jajuubka laga daayo Shacabka dega dhulka ay isku haystaan, loona ogolaado Shacabkaasi meeshay rabaan inay ku darsadaan... Haddii Labadaas Dawladood mid ka mid ah ay shacabkaasi la samaysteen Maamul soo in midda aanay la samaysan lagu khasbo inay joojiso jajuubka iyo colaadda midday rabto ha ahaatee...

Arinta kale ee fiirinta Mudan ee ah Degmooyinka Jiriiban Gaalkacyo iyo Galdogob oo Dawladda Federaalka oo jirin lahaa Maamul ay la midoobeen oo Dastuuriyan la ansixiyey maxaa keenay qaskaan iyo jajuubkaan Xasan ku wado...

Gabagabadii

Haddii Muhiimadda koowaad ee Xeerka la isku waafaqay ahaa dib u heshiiseen...
Haddii Xeerka laysku waaafaqay ahaa in Dawlad ay noqon karaan Laba Gobol iyo wixii ka badan Dawladdaasoo xubin ka ah Dawladda Federaalka...
Maxaa keenay in Xasan labadaas Arimood oo Dastuuri ah Garab Maro....
Maka Aqoon Darraa oo waanu Garanayn arintii lagu dhaariyey inay taas ahayd
Mise waa Ulakac oo waxaanu doonayn in Shacabku Heshiiyo oo Kalsoonidiisii soo noqoto....
Hashani Maankayga Gadaye...
Toloow Ma Xukun Kororsibaa Ujeedkiisu yahay Doorasho lama qaban karo mar Haddii Xiisado colaadeed Shacabkii ka dhex aloosan yihiin....

Wa Billaahi Tawfiiq
Qore: Eng. Abdirashid Abdi Daad (Ciiltire)
Developed by Jago Desain