Maxkamad Mombasa ku taala oo la horkeenay sadddex hablood oo doonaayay inay Al Shabaab ku biiraan

Maxkamad ku taala Magaalada Mombasa ee dalka Kenya, ayaa waxaa maanta la horkeenay saddex hablood oo lagu eedeeyay inay ku biiri rabeen Ururka Al Shabaab.

Hablahan, ayaa waxaa toddobaadkan lagu qabtay deegaanka Ceelwaaq ee dalka Kenya, sidoo kalana ku dhow xuduuda Somaliya iyo Kenya. Waxayna wejihi doonaan eedeymo argagaxiso.

Maxkamaddu waxay dib u dhigtay dacwadda hablahasi ilaa 20-ka bisha April, si hay’adaha amnigu ay u sameeyan baaritaano ballaaran, Xeer Ilaalintuna ugu suurta gasho in cadeymo ku filan ay Maxkamadda horkeento.

Maryam Said Aboudiyo iyo Khadija Abubakar Abdulkadir, ayaa waxay u dhasheen dalka Kenya, halka Ummul-Kheir Sadir Abdulla ay iyaduna dalka Tanzania u dhalatay.

Ummul-Kheir Sadir Abdulla, ayaa Kulliyadda Caafimaadka ka baraneysay Jaamacad ku taala Magaalada Khartoum ee Xarunta Sudan, halka labada kalana ay gudaha Kenya wax ka baranayen.

Taliyaha Booliska Magaalada Mombasa Nelson Marwa, ayaa sheegay in hablahan ay noqonayan haweenkii ugu horeeyay oo dalka Kenya lagu qabto, xilli ay doonayen inay ku biiraan Ururka Al Shabaab.

BAARGAAL.NET
ISha wararka Horumarka Calbari
email:Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain