Meydka Ruux Soomali Oo Laga Helay Calgary

Meydka Ruux Soomali Oo Laga Helay Calgary
Muwaadin soomali ah ayaa meydkiisa laga helay boosteejo laga raaco basaska oo dhacda magaalada Calgary ee dalka Canada.

Goobta laga helay meyda ruuxan ayaa u dhow Canada Olympic Park ee magaalada Calgary, waxaana la helay meydkiisa subaxnimadii arbacada ahayd.

Imaam Cabdi Xirsi oo ka mid ah madaxda Jaaliyadda Soomalida ee dalka Canada ayaa sheegay in la aqoonsaday meydka ruuxaas, waxaana lagu magacaabaa Maxamed Deeq Cali Maxamed, oo 26 jir ah.

Imaam Cabdi ayaa sheegay in ninkaasi uu joogay gurigiisa inta aan la dilin ka hor, laakiin habeenkii saqda dhexe uu ka soo tegay kadib markii qof kale oo aan la aqoon uu teleefan u soo diray.

Marxuumka la dilay ayaa noqonaya qofkii seddexaad oo soomali ah oo lagu dilo Canada Sanadkan.

Shabakada Baargaal.net
isha wararka horumarka Calbari
Email:Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain