Sheekada Maanta Sheeko Cajiib Ah!! (ilaahay baa iga damiin ah)

Sheekada Maanta waxaan ku soo qaadanaynaa sheeko Faaido iyo micno wayn wadata oo ka tarjumaysa ballanta iyo sida loo adkeeyo iyo sida ilaahay subxaanahuu watacaalaa loo talo saarto 

Qisadan waxa weriyay saxaabiga abu-hureyra [Allaha ka raali noqdee] wuxu nebiga (S.C.W) ka weriyey 
Nin reer bani-isra’iil ah ayaa wuxu ubaahday amaah Kun Diinaar ah wuxu u tegey nin oo uu weydiistay, ninkii baa ku yiri kunka diinaar waan ku amaahinaaye markhaati (Nin markhaati kaa noqda) ninkii reer bani-israa’iil wuxuu ugu jawaabay ilaahay baa marag igu filan oo na arkaya, Ninkii baa hadana kuyiri nin damiinu-maal ah oo ku damiinta iikeen, markaas ayuu ninkii bani-israa’iil  ugu jawaabay ilaahay baa iga damiin ah, ninkii wuxu yiri run baad sheegtay ee amaahdan Goormaad ii keenaysaa, Ninkii reer bani-israa’iil muddo ayuu qabsadey, lacagtii kunka diinaar gacanta ayaa loogu ridey.

ninkii reer bani-israa’iil wuu safray badda ayuu ka talaabay oo dooni buu raacay meeshuna waa Jasiirad, danahiisa ayuu ku qabsaday lacagtii amaahda aheyd, intaas kadibna mudadii baa la  gaaray, badiina way kacsantahay, dooni uu kusoo safro ayuu waayay.

Wuxuu soo qaaday kunkii diinaar wuxu ku riday bac, kadibna wuxuu soo qaaday alwaax dhexda ayuu ka dalooliyay wuxuuna dhexdeedi geliyey lacagtii iyo warqad uu uqoray, wuxuu dul yimid badii wuxuu ku yiri “Ilaahayoow ninkaasi wuxuu i amaahiyay anigoo ubaahan lacagtaa kunka diinaar ah, ilaahayoow damiin ayaad iga aheyd ee ilaahayoow Badda ayaan ku ridayaa ee ilaahayoow ugee”

 badii ayuu ku tuuray, muddo kadib ayaa ninkii wax amaahiyay Caruurtiisii ayaa xaabo (qoryo) ay dabka ku shitaan ka doonay badda,  waxay meeshii ka arkeen looxii,way lasoo bexeen, guriga ayey keeneen waxay ka dhex heleen looxii bacdii ay ku jirtey lacagtii iyo warqad uu ku lahaa “Walaal waxaad i amaahisay lacag kun diinaar ah waxaad iweydiisay marag iyo damiin waxan kugu iri ilaahay baa marag iyo damiin ii ah, waxaa la  gaaray mudadii, waxan waayay dooni aan soo raaco, waxan kusoo dhex ridey lacagtii looxan ee walaal iga gudoon”.

BAARGAAL.NET
Isha wararka Horumarka Calbari
Email:Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain