Siilaanyo:Madaxwaynaha Puntland ayaa ila Soo Xiriiray wuxuuna Raaligalin Ka Bixiyay Weerarkoodii dhinaca Saxaafada ahaa

Madaxwaynaha maamul goboleedka waqoyiga soomaaliya ee la magac baxay somaliland mudane Siilaanyo ayaa khudbad sanadeedkiisii maanta kusoo qaatay xiriir uu lasoo sameeyay Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Puntland oo uu sheegay in uu raali galin ka bixiyay hadalo deelqaaf ah oo uu maamulka puntland hawada usoo marin jiray Somalilandna ku eedayn jiray taageerida Alshabaab.

Siilaanyo ayaa sheegay in madaxwayne Gaas Uu raali galin Ka Bixiyay eedayntaas,isla markaan Somaliland diyaar u tahay kawada shaqaynta amaanka iyo wada noolashaha dadka deriska ah ayuu siilaanyo ku daray

Siilaanyo wuxuu is ilowsiiyay in kawada shaqaynta amaanka iyo wada noolashaha dadka deriska ay dan ugu jirto maamulka somaliland oo meel walba goa doon ka ah.

dhinaca kale maxuu maamulka somaliland uga sasaa markii la soo qaado taageerida argagixisada lala xiriiriyo maamulkooda horaa soomaalidu ugu maahmaahday (Tub qabaatakaraysan)

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain