Xukun culus oo lagu riday Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire (SAWIRRO)

Taleex(Baargaal.net):- Shir nabadayn iyo Maxkamadayn isugu jiray oo toddobaadkii u dambeeyey ka socday Waqooyiga degmada Taleex, ayaa go'aan Maxkamadeed oo Culimo gacanta ku haysay ay kaga dhawaaqeen Jimcihii maanta ahaa, isla markaana waxa halkaas lagu xukumay Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire iyo Ciidammo uu watay oo dabayaaqadii sannadkii 2013-kii sameeyey hawlgallo dhimasho, dhaawac iyo Barakac badan sababay oo ka dhacay degmada Taleex iyo nawaaxigeeda, markaas oo uu hayey Xilka Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland.

Maxkamaddan Culimada ee dhawaanahan ba ka socotay duleedka Taleex, waxa Sheekha gacanta ku hayey uu ku dhawaaqay inay Maxkamadda Culimadu go'aamisay in dadkii ku dhintay, dadkii ku dhaawacmay iyo kuwii kale ee ku dhibaatoobay Taleex wax allaala wixii soo gaadhay uu Masuul ka yahay Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Puntland Cabdisamad Cali Shire iyo Ciidanka uu watay ee Puntland, isla markaana cid kale oo laga doonayaa jirin ee isaga laga rabo, halka uu isu dhaafinayo iyo cidda kula jirtayba.

Afhayeenka Guddiga Culimada ah ee go'aankan gaadhay Sheekh Siciid Axmed Cadarre, ayaa halkaas kaga dhawaaqay natiijada Maxkamadda Culimadu ka soo saartay kiiskaas. Waxa sidoo kale halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Shirka Nabadaynta Beelaha Taleex oo sheegay in Guddiga iyo Cuqaasho dhammaystirayso waxyaabaha qabyada ah.

Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland General Cabdisamac Cali Shire oo ku sugnaa goobta Shirku ka dhacay, ayaa Weriyeyaal la xiriiray u sheegay inaanu diiddanayn go'aanka Maxkamadda ee lagu xukumay wixii Taleex ka dhacay dabayaaqada sannadkii 2013-kii, isla markaana uu gadaal ka hadli doono sida wax noqdaan marka ay ku habboonaato.



BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain