Zlatan Ibrahimvic oo looogu baqay in uu isaga baxo Dalka Faransiiska

Zlatan Ibrahimvic oo looogu baqay in uu isaga baxo Dalka Faransiiska

Maalintii Axadda ayey ahayd markii uu soo baxay muuqaal muujinaya ciyaaryahanka dalka Sweden Zlatan Ibrahimvic ee u ciyaara kooxda PSG ee dalka Faransiiska oo ku xanaaqsan Garsoorayaashii ciyaartii dhex-martey PSG iyo Bordeaux. PSG ayaa looga adkaadey 2-3, iyada oo Zlatan u dhaliyey kooxdiisa labada gool ee ay la timid.

Ibra ayaa laga duubey isaga oo qaylinaya, waxaana ka mid ahaa erayada uu yiri “Dalkaan waa mid xun oo aan Istaahiln PSG”.

Ciyaaryahankan Zlatan Ibrahimvic ayaa hadalkaas raali gelin ka bixiyey, sidoo kale kooxdiisa ayaa raaligelin bixisey, Zlatan ayaa ku dooday in aanu u jeedin in Faransiisku yahay dal xun ee carrabku ka boobay, isla markaana uu aad u xanaaqsanaa.

Raaligelinta uu bixiyey Zlatan waxaan ku qancin Hoggaamiyaha Xisbiga National Front Marine Le Pen, waxaana ay Zlatan ka dalbatey in uu isaga baxo dalkooda.

Qofkii aaminsan in Faransiisku yahay dal xun, waa in uu isaga baxo waddankan ayey tiri Marine Le Pen.

Zlatan oo ciyaartii Horyaalka Naadiyada qaaradda Yurub qaatey ganaaxa casaanka isla markaana ka maqnaan doona ciyaarta kowaad ee Final-ka loogu baxaayo ee Horyaalka Naadiyada Yurub (UEFA Champions League), ayaa maalintii Axadda furka tuurey carro darteed waxaana uu si weyn ugu qaylinaayey.

15kii sano ee aan ciyaaryahanka ahaa weligeey maan arag garsoore kan oo kale ah, waddankan xun ma istaahilo in PSG ka ciyaaro .

BAARGAAAL.NET
ISha wararka Horumarka Calbari
Email:Baargaal@gmail.com

Developed by Jago Desain