War Deg Deg ah: Al Shabab oo Weerartay Xarun Ciidmadda Puntland ay Ku leeyihiin Boosaaso

Deg Deg: Al Shabab oo Weeraray Xarun Ciidmadda Puntland ay Ku leeyihiin Boosaaso
War goor dhow naga soo gaaray Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, ayaa sheegaya inay halkaasi ka dhaceen laba weerar oo kooxo hubaysan ay ku qaaden Bar kantarool oo Ciidan u taalay iyo Guriga Maayarka Degmada Carmo Maxamed Cali Shire uu ku leeyahay Magaalada Boosaaso.

wararku waxay sheegaayaan in uu weerarkaas dhaawac uu ka soo gaaray Gudoomiyaha Degmada Carmo Maxamed Cali Shire oo Boosaaso joogay.

Weerarka kale ee isna lagu qaaday Barkaantarool oo Ciidanka u taalay kasoo horjeedka Farmashiye Karaama oo Kuyaal Agagaarka Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ka dhashay dhaawac soo gaaray dad isugu jiray ciidan iyo shacab kuwaas oo tiradooda dhabta ah la hubinin

Xaalada Boosaaso ayaa haatan degan waxaana qaar ka mid ah xaafadaha Magaalada lagu arkayaa Ciidamada amaanka oo feejigan.

Kooxda Weerarka soo qaaday wali lama xaqiijin cida ay ka amar qaatan balse horay ayaa weerarao sidaan oo kale ah oo ak dhacay Magaalada Boosaaso waxaa masuuliyadooda sheegatay Maleeyshiyaadka nabad diidkaa ee Alshabaab.

Waxii soo kordha isha ku hay


SHABAKADA BAARGAAL.NET

ISHA WARARKA HORUMARKA CALBARI
Email: Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain