Dhegeyso-Wasiiradda Haweenka Puntland ”Hala Taageero Haweenka Mutadawaciinta ah”

Wasiirka wasaaradda haweenka iyo arrimaha qoyska ee dowladda Puntland Anisa Xaaji Muumin oo maanta booqatay mid kamid ah dugsiyada farsamada gacanta ee magaalada Garoowe, ayaa ku baaqday in lataageero haweenka ka shaqeeeya arrimaha bulshada.

Anisa Cabdulqaadi Xaaji Muumin ayaa sheegtay in hadii kor looqaado lana taageero waxbarashada haweenka Soomaaliyeed gaar ahaan Puntland ay kor uqaadi doonto horumarinta bulshada, gaar ahaan qosyka maadaama hooyadu tahay hogaanka qoyska.

Ugu dambayntiina wasiiradda ayaa sheegtay in wasaaradda haweenka iyo arrimaha qoysku ay taageeri doonto haweenka ayna baahin doonto magacyada haweenka u shaqeeya haweenka si kor loogu qaado niyadooda iyo howlkarnimadooda.


Halkaan Hoose Ka Dhegeyso




Shabakada Baargaal.net
isha wararka horumarka Calbari
email:Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain