Dhegeyso: Wasiirka Haweenka Iyo Arimaha Qoyska Puntland Aniso C/qaadir Xaaji Muumin Oo Tababar U Furtay Qareenada Ka Shaqeeya Maxkamadaha Puntland

Dhegeyso: Wasiirka Haweenka Iyo Arimaha Qoyska Puntland Aniso C/qaadir Xaaji Muumin Oo Tababar U Furtay Qareenada Ka Shaqeeya Maxkamadaha Puntland
Wasiirka Wasaarada Haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin ayaa tababar u furtay xubno kamida qareemada ka shaqeeya Maxkamadaha Puntland oo ka kala yimid Goballada Puntland.

Tabarkaan oo soconaya mudo labo maalmood ah loogana hadlayo xoojinta qareenada ka shaqeeya maxkadaha puntland ee u dooda tacadiyada ka dhanka ah jinsiga ayaa inta uu socdo waxaa lagu baran doona shuruucda iyo sida loogu doodo kiisaka ka dhanka ah jinsiga.

Agaasimaha Waaxda tacadiyada ka dhanka jinsiga ee Wasaarada Horumarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska dowladda puntland Khadro Axmed Maxamed oo tababarka ka hadashay ayaa sheegtay in mudada uu socdo tabarkaan ay qaadan doonaan qareenada Casharo ku saabsan shuurcda iyo qawaaniinta ku saabsan u qareemida kiisaska ka dhanka ah jinsiga.

Wasiirka Wasaarada Haweenka iyo horumarinta arimaha qoyska dowladda puntland Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin ayaa sheegtay in ay muhiimtahay in qareenada ay fahfmaan shuruucda kiisaska ka dhanka ah tacadiyada jinsiga waxaana ay ka qaybgalayaasha ku boorisay in si wanaagsan uga faa,iidaystaan tababarkaan si ay awood ugu yeeshaan in ay waxka qabtaan kiisaska ka dhanka tacadiyada jinsiga.

”waxaa jira shuruuc la raaco iyo awaamiir dastuuri ah runtiina waxaa jira tacadiyo ka dhanka ah jinsiga ayna ka qaybqaatan odayaal dhaqameedka sidaa darteed waa inaan xoojinaa shuruucda diinta islaamka iyo mida dastuurkaba aana ka hortagnaa kuwa tacadiyada u gaysanaya haweenka”ayey tiri Wasiirka Wasaarada Haweenka iyo Arimaha Qoyska Dowladda Puntland.

Kulankan oo ah kii noociisa ah ee ay Wasaarada haweenka iyo arimaha qoyska u qabato qareenada ka shaqeeya maxkadaha puntland ayaa waxaa lagu gorfayn,doonaa siyaabaha looga hor tagi karo looguna qareemayo tacadiyada ka dhanka ah jinsiga.


Halkan Ka dhagayso 




BAARGAAL.NET
ISHA WARARKA HORUMARKA CALBARI
EMAIL:BAARGAAL@GMAIL.COM
Developed by Jago Desain