Dowladda Soomaaliya oo La Wareegtay 2 Hoteel oo Ku Yaala Muqdisho oo lagu qabtay Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab,xabsigana dhigtay Mulkiilayaashii hotelada

Ciidamada Sirdoonka Somalia ayaa Albaabada isugu dhuftay Laba Hoteel oo ku yaala gudaha Muqdisho- Suuqa-bakaaraha, kadib markii halkaas laga soo qabtay Sarkaal katirsanaa Ururka Al Shabaab.

Hoteelada ay Dowladda la wareegtay ayaa kala ah Kismaayo 1 iyo Kismaayo 2, kuwaasi oo ku yaal gudaha Suuqa Bakaaraha.

Afhahayeenka Wasaaradda Ammniga Somalia Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in Sarkaal ka tirsan Al Shabaab lagu dhex qabtay gudaha Hoteelka, wuxuuna shir saxaafadeedkiisa ku yiri
"Mudo labo Bil ayuu daganaa halkaan Ninka la qabtay, waxa uu ka yimid Xeryaha Qaxootiga ee dalka Kenya".

Waxaa sidoo kale Ciidamada Nabad Sugidda ay Xabsiga Dhigeen Mulkilihii Hotelka iyagoo sheegay inay la Wareegeen Labadaasi Hoteel.

Howl galka ay Ciidamada maanta ka sameeyeen Suuqa Bakaaraha ayaa sidoo kale waxaa lagu qab qabtay ku dhawaad 100 Dhalinyaro ah kuwaasi oo wali baaritaano ay ku socdaan.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain