Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Mudug ee Puntland oo maanta qarax lala beegsaday

Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Mudug ee Puntland oo maanta qarax lala beegsaday
War goor dhow naga soo gaaray magaalada Gaalkacayo ayaa sheegaya in ugu yaraan 7 qof ay ku dhaawacmeen qarax subaxnimadii maanta ka dhacay xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalacyo.

Sida warku nagu soo gaarayaan qaraxan ayaa loo adeegsadey miino dhulka lagu aasey isla markaana laga maamuley meel ka fog halka qaraxu ka dhacay. 

Isbitaalka guud ee magaalada ayaa la gaarsiiyey 7 qof oo ay soo gaareen dhaawacyo kala geddisan

Miinadan ayaa lagu bartilmaameedsanayey  Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur, waxaana wararka qaar sheegayaan in Axmed Muuse uu qabo dhaawac fudud, sidoo kale warar kale ayaa sheegaya in Guddoomiye ku-Xigeenku uu bed qabo.


BAARGAAL.NET
Isha wararka Horumarka Calbari
nagala soo xiriir : baargaal@gmail.com

Developed by Jago Desain