Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland oo la kulmay dhigiisa Itoobiya (Sawirro)

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland oo la kulmay dhigiisa Itoobiya (Sawirro)
Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland Mudane Cabdraxmaan Warsame Jaamac oo maalmahan howlo shaqo u joogay dalka Itoobiya ayaa maanta magalada Addis Ababa kula kulmay dhigiisa Rugta Ganacsiga Itoobiya, kulankan oo ka dhacay xarunta Rugta oo ku taala bartamaha magalada Addis ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa masuuliyiin kale oo rugtaasi ka tirsan.

Labadan gudoomiye ayaa kulankooda uga wada hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin wada shaqayn buuxda oo labada dhinac dhexmarta iyo in la is-dhaafsado ganacsiyada kala duwan ee Itoobiya iyo Puntland, gaar ahaan waxyaaaha uu illaahay ugu deeqay.

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland ayaa inta uu kulanka socday wuxuu kusoo bandhigay, fursadaha Maalgashi ee Puntland ka jirta, iyo waliba khayraadka faraha badan ee ay u ooman yihiin Suuqyada dalka Itoobiya, sidoo kale Gudoomiyaha rugta Ganacsiga Puntland ayaa dhigiisa Itoobiya ka codsaday inay la wadaagaan cilmi baaris ay ay samaysay wasaradda xanaanada xoolaha iyo beeraha Itoobiya si dhankooda iga faa’iidaystaan macluumaadka usoo baxay.

Sidoo kale waxaa isna dhankiisa hadlay Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Itoobiya oo sheegay inay Puntland tahay goob dihin oo leh khayraad fara badan oo u baahan maalgashi isla markaana suuqyada Itoobiya looga baahan yahay khayraadkaas, muhiimna ay tahay in Puntland iyo Itoobiya ay yeeshaan xiriir ganacsi iyo wada shaqayn xoogan.

Ugu danbaytii labada dhinac waxay ku heshiiyeen in ay samaystaan xiriir ganacsi iyo wada shaqayn labada rug ee ganacsi sidoo kale in ay is dhaafsadaan wafuud ganacsi oo kala taga labada dal iyo in shirarka sanad laha ah ay qabtaan labada rugood ay isku casuumaan oo ay kawada qaybgalaan.























SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
email: Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain