Madaxwaynihii hore ee Yaman Cali Cabdallah Saalax oo magan galyo siyaasadeed weydiistay maamulka Puntland

Madaxweynihii hore ee dalka Yemen Cali Cabdallah Saalax ayaa codsi u diray dalalka Khaliijka ee dagaalka kula jiray Xuuthiyiinta Yemen.

Cali ayaa sheegay inuusan wax taageero ah siineyn Xuuthiyiinta Yemen, isla markaana uu doonayo inuu ka baxo wadanka Yemen, wuxuuna ka codsaday dalalka Khaliijka in ay waddo nabad ah u baneeyaan isaga iyo Qoyskiisa.

Balse dowlada Sucuudiga oo xubin ka ah Ururka dalalka Khaliijka ayaa ku gacan-seertay codsiga Cali Cabdallah Saalax sida uu sheegay Telefishinka Aljazeera ee laga leeyahay dalka Qatar.

Cali Cabdallah Saalax iyo wiilka uu dhalay Axmed oo hogaamiya cutubyo kamid ah ciidamadii dowlada Yemen, ayaa la sheegay inay gacan siinayaan xoogaga Xuuthiyiinta ee inqilaabay dowladii Yemen.

Madaxweynihii hore oo la sheegay inuu ahaa maskaxdii ka danbeysay inay Xuuthiyiinta qabsadaan caasimada Sanca sanadkii lasoo dhaafay, ayaa waxaa xayiraad dhanka socdaalka ah saaray Qaramada Midoobay bishii November ee 2014.

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Isniintii lasoo dhaafay cunaqabateyn kale saaray Xuuthiyiinta iyo waliba wiilka uu dhalay Cali Cabdallah Saalax.

Cali Cabdallah Saalax oo xilka isaga degay sanadkii 2012 kadib kacdoon shacab ayaa la sheegay in todobaadyadii lasoo dhaafay isku dayey inuu usoo baxsado dalalka Jabuuti iyo Cumaan, balse wadamadaasi ayaa diiday inay qaabilaan.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Cali Cabdallah Saalax doonayey inuu usoo baxo dhanka dalka Soomaaliya gaar ahaan deegaanada Puntland, balse wararkaasi ayaan weli la xaqiijin.

Cali Cabdallah Saalax ayaa kamid ahaa hogaamiyayaashii taageerada badan u fidiyey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya AUN Cabdullahi Yusuf Axmed oo sidoo kale horey usoo ahaan jiray Madaxweynihii hore ee Puntland.

Dhinaca kale warar ay qaar kamid ah saxaafada baahiyeen ayaa sheegaya inuu xiriir dhexmaray dowlada Sucuudiga iyo maamulka Puntland oo ku aadan dadka qaxootiga ah ee kasoo baxaya Yemen ee soo gaaraya deegaankaasi inaysan kusoo dhex dhuuman taageerayaasha Cali Cabdallah Saalax.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka Calbari
nagala soo xiriir: Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain