Madaxweynaha Puntland iyo Ra’iisul Wasaare Cumar oo ka qeyb galay bandhig buugeed iyo carwo dhaqameed lagu qabtay Garowe (SAWIRO)

Madaxweynaha Puntland iyo Ra’iisul Wasaare Cumar oo ka qeyb galay bandhig buugeed iyo carwo dhaqameed lagu qabtay Garowe (SAWIRO)
Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa maanta ka qeyb galay bandhig buugeed iyo carwo dhaqameed maanta lagu qabtay magaalada Garowe.

Bandhigaan oo ah markii ugu horeysay oo lagu qabto Puntland ayaa waxaa soo qabanqaabiyay aqoonyahano reer Puntland ah oo dalka dibadiisa uga yimi sidii ay dadkooda iyo dalkooda ugu faa’iideyn lahaayen, ugana shaqeyn lahaayen soo noolaynta dhaqanka Soomaaliyeed.

In ka badan 2000 buugaag ah oo kala duwan ayaa lagusoo bandhigay xarunta jaamacadda PSU, halkaas oo lagu qabtay bandhiga. Bandhigaan waxaa lagu asteeyay 20 sano guuradii kasoo wareegtay aas aaska shirkada Scansom publishers.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay inay dhiiri galin u tahay bandhigihii ugu horeeyay in lagu qabto Garowe, wuxuuna ammaanay dadaaalka ay sameeyeen shirkadda isku howshay daabacaada buugaagtaan.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay inay farxad u tahay inuu kasoo qeyb galo bandhigaan, Wuxuuna sheegay inuu muhiimad u yahay Afsoomaaliga. Cumar Cabdirashiid ayaa ku baaqay in laga shaqeeyo horumarinta Af-Soomaaliga, isagoo sheegay inay tahay mas’uuliyad saaran cid walba oo luuqada Soomaaliga ku hadasha.

Bandhigan ayaa sidoo kale la qorshaynaayaa in lagu qabto Magaalada Boosaaso ee Xarunnta Gobolka Bari iyo Degmada Baargaal oo katirsan Gobolka Gardafuu.


















BAARGAAL.NET
Isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari 

Email: Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain