Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida oo Xukun Dil Ah Kuriday Raggii Dilay Xildhibanad Saado cali warsame

Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida oo Xukun Dil Ah Kuriday Raggii Dilay Xildhibanad Saado cali warsame

Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya, ayaa maanta xukun dil ah ku riday Raggii dilay Xildhibaanad Saado Cali Warsame.

Gudoomiyaha Maxkmada Darajada Koowaad ee Ciidanka Qalabka sida Xasan Cali Shuute ayaa sheegay in Maxkamada ay xukun dil ah ku riday Shuceyb Ibraahim Mahdi iyo Faarax Cali Cabdi, waxa uuna sheegay in ragan ay qirteen in Al-Shabaab katirsanaayeen ayna ka dambeeyeen Dilal Muqdisho loogu geestay Xildhibaano iyo Saraakiil katirsan Ciidanka Nabad Sugida Qaranka .

Raga Xukunka dilka ah maanta lagu riday ayaa ku eedeesan in ay ka dambeeyeen Dilal qorsheesan oo Magaalada Muqdisho loogu geestay Xildhibaanada kala ah Saado Cali Warsame ,Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xeyd ,iyo Xildhibaan Sheekh Aadan Madeer.

Waxaa sidoo kale ragan oo Weerarada ay geestaan ku fulin jiray gawaari, lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen Dilal loo geestay Saraakiil katirsan Hay'ada Nabad Sugida Qaranka , iyadoo sidoo kale lagu helay ragan in ay wax ka abaabuleen weerarkii lagu qaaday Xarunta UNDP ee Magaalada Muqdisho.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain