Puntland oo ka Warbixisay Khasaaraha Qaraxii Garoowe lagu beegsaday shaqalaha UN-Ka

Taliyaha qaybta Booliska Gobalka Nugaal Axmed Cabdilaahi Samatar oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa ka warbixiyay Khasaarihii ka dhashay Weerarkii lagu qaaday Xarunta QM ee garowe.

Taliyaha ayaa sheegay in Qaraxa uu ahaa mid ismiidaamin ah oo uu Fuliyay Qof isku soo Xiray Waxyaabaha Qarxa,kaas oo beegsaday Gaari ay la socdeen Shaqaalaha UN-ka oo doonayay in uu galo Xarunta ay ku leeyihiin Garoowe.

Taliyaha qaybta Booliska Gobalka Nugaal ayaa Xusay in ilaa 7 Qof ay Weerarka ku dhinteen oo Afar kamid ah ay yihiin Ajaanib,Labo Soomaali ah iyo Qofkii is Qarxiyay.

Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay Qaraxa sida uu Taliyuhu sheegay 7 Ruux oo Shan kamid ah ay yihiin Soomaali iyo Labo Ajaanib ah.

Qofka is Qarxiyay ayuu Taliyaha Qeybta Booliska uu sheegay in loo maleenayo in uu saarnaa Gaariga la Qarxiyay balse ay baaris wadaan.

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland C/xakiin C/llaahi Cali Cameey ayaa booqday goobta uu Qaraxu ka dhacay.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain