Rabshadahii dalka Koonfur Africa oo meel xun maraya iyo Khasaarooyin (SAWIRO)

Waxaa Magaalooyin kuyaala Dalka Koonfur Afrika kasocda boob iyo barakicin lagu hayo dadka ajaaniibta ah ee kunool Dalkaasi, waxaana dadka hantidooda la boobay lana dhibaateeyay kamid ah ganacsatao Soomaaliyeed.

Boobka iyo barakicinta xoogeeda ayaa kasocda Magaalada Durban ee Gobolka Kwazulu natal, waxaana tuulooyin magaaladaasi hoos taga lagu boobay dukaamo iyo goobo badan oo ay lahaayeen dad ajaaniib ah ay ku jiraan Dad Soomaaliyeed.

Waxaa dadka South Afrikaanka ah ee boobka geesanaya ay sidoo kale dilayaan dadka Ajaaniibta ah ee kunool Magaalooyinka ay kasocdaan rabshadahu, waxaana lagu soo waramaya in ajaaniib kasoo jeeda dalalka Malawi iyo Bangaladhesh Nolosha lagu gubay.

Ganacsato Soomaaliyeed ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa in dhawacayo iyo dhibaatooyin kale kasoo gaareen boobka kasocda Magaalada Durban ee Gobolka Kwazulu Natal, waxaana laga cabsi qabaa in uu boobku sii kordho.

Waxaa sidoo kale jira cabsi la xariirta in magaalooyin kale oo dalkaasi Koonfur Afrika ay ku faafaan rabshadahan ajnabi naceybka ah, waxaana cabsi badan lasoo daristay ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaasi kunool waxaana Albaabada loo laabay inta badan goobahii Ganacsiga ee dalkaasi Koonfur Africa.

Madaxweynaha Dowlada South Africa ayaa ku baaqay in la joojiyo rabshadaha jinsi naceybka ku saleesan ee lagu hayo dadka ajaaniibta, waxaana Ciidamada amaanka Dalkaasi u muuqdaan kuwa ku fashilmay bad baadinta dadka jaanaiibta ah la dhibaataynayo.



BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka 
Developed by Jago Desain