Sawirka Maanta : Madaxwayne ha baqin waxaan keenay Shirkad shacabka badda u ilaalisa anagana maraakiibta noo ilaalisa

Sawirka Maanta : Madaxwayne ha baqin waxaan keenay Shirkad shacabka badda u ilaalisa anagana maraakiibta noo ilaalisa
Sawirka maanta waxaan ku soo qaadanaynaa arin ay aad uga caroodeen ganacsatada , kalluumaysatada iyo waxgaradka deegaanada xeebaha puntland oo mudo waday hindise lagu dhisayo shirkad ka ilaalisa xeebaha puntland maraakiibta jariifka ee shisheeye ee xaalufka ba'an ku haya xeebahaas ayagoo hindisahoodii hordhigay madaxwaynaha dawlada puntland prof c/wali Maxamed cali gaas oo ay u haysteen nin daacad ah oo si dhab ah wax ugala qabanaaya arintaas

laakiin waxay baraarugeen markii fikirkoodii iyo hindisahoodii laga faramaroorsaday loona badalay mid lagu ilaalinayo maraakiibta jariifka ee kumanaalka ah ee badda la soo gashaday.

Taa waxaa ka daran , ganacsatada iyo waxgaradka xeebaha puntland waxaa hindisahooda ku jiray oo ay haysteen markab wayn oo casri ah oo shidaal iyo sahay ku filan muddo dheer qaadan kara meesha

shirkada cusub oo la dhaho SSS oo ay ku dhawaaqeen niman la fadhiyay madaxwaynaha markii hindisaha loo sharxayay ay keeneen doon yar oo duug ah oo aan shidaal iyo saad ku filan qaadan karin .

Daawasho wacan




Developed by Jago Desain