Shir looga hadlayay Taabagelinta Siyaasadda Daryeelka Carruurta Dayacan ee Puntland oo maanta ka furmay garoowe (SAWIRO)

Shir looga hadlayay Taabageelinta Siyaasadda Daryeelka Carruurta Dayacan ee Puntland oo maanta ka furmay garoowe
Waxaa qolka shirarka ee Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska lagu qabtay shir ballaaran oo lagu fallanqeeyey siyaasadda lagu hagayo daryeelka carruurta. 

Waxaa shirkan oo soconaya muddo laba cisho AH ka soo qaybgalay wasiiro iyo wakiilo ka kala socday dowladda Puntland, xildhibaano iyo hey’adaha madaxabannaan ee dowladda.

Madaxa Heya’adda Qaramada Midoobay, gaar ahaan hey’adda UNICEF u qaabilsan dhowrista iyo daryeelka carruurta ee Puntland ayaa barnaamijkan qayb ka ah; waxayna shirka ka qeexday inay si buuxdo u garab taagantahay siyaasadda ujeedkeedu tahay dhowrista iyo daryeelka xuquuqda caruurta.
Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha qoyska Puntland murwo Anisa Cabdulqaair Xaaji Muumin oo ka hadashay munaasabada furitaanka shirkan ayaa muujisay sida ay uga go’antahay in Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arriimaha Qoyska ay qaado taallaabo kasta oo wax loogu qabanayo carruurta.

Doodaha shirka lagu isku dhaafsaday ee la xiriiira daryeelka iyo dhowrista carruurta waxaa ka mid ah dibin-daabyeenta iyo jir-garaaca carruurta yaryar loo gaysto, gaar ahaan carruurta lagu jir dilo dugsiyada quraanka, iskuulka iyo xataa qoyska iyo daryeelka carruurta marka ay tahay caafimaadka, iyo nabadgelyada ilmaha.







BAARGAAL.NET
Isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir : Email Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain