Shirkii Magaalada Cadaado oo markale qarka u saaran inuu burburo, kulamo socday oo lagu kala kacay

Shirkii Magaalada Cadaado oo markale qarka u saaran inuu burburo, kulamo socday oo lagu kala kacay

Xilli Shirkii Maamul U Samaynta Gobolada Dhexe Soomaaliya oo maanta lagu waday inuu ka furmo Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, ayaa waxaa ku yimid ciriiri kalsoonida laga qabi karo inuu maanta ka furmo Cadaado.

Madaxweynaha dawlada fedraalka Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku joogga Magaalada Cadaado, ayaa kulamo kala duwan waxa uu kula qaatay dadka deegaanka iyo Masuuliyiinta Maamulka Ximan iyo Xeeb.

Dadka deegaanka waxay ugu dambeen ku qanceen in Magaalada Dhuusamareeb ay noqoto Caasimadda Maamulka Gobolada Dhexe, ha yeeshee waxay soo jeediyeen laba sharuud oo Dowladda ku adkaatay inay aqbasho.

Waxay soo jeediyen in Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe lagu caleemo saaro Magaalada Cadaado, xilli Madaxweynaha Somaliya uu sheegay in Madaxweynaha Gobolada Dhexe lagu caleemo saari doono Dhuusamareeb.

Waxay kaloo soo jeediyen in Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe kan ugu horeeyo mudada xilkiisa uu ku dhameysto Magaalada Cadaado, isagoo Xaruntiisa ay tahay Cadaado, Madaxweynaha labaad ee soo dooran doonana uu ka hawlgalo Dhuusamareeb.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah u diiday sharuudaha ay u soo bandhigeen dadka reer Cadaado, wuxuuna ku sheegay kuwo aan haba yaraatee la dhaqangelin karin.

Tani waxay mugdi gelisay dadaaladii lagu doonayay in Shirka Gobolada Dhexe uu maanta ka qabsoomo Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain