Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Oo Kormeeraysa Gobolada Mudug iyo Gardafuu

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Oo Kormeeraysa Gobolada Mudug iyo Gardafuu


Waasarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa kormeerayaashii ugu danbeeyay ee sanad dugsiyeedkan u dirtay Gobalada Mudug iyo Gardufuu, iyadoona horay kooxo kale loo diray Gobalada Bari, Karkaar, Nugaal, Sool, Cayn, Sanaag iyo haylaan.

Agaasimaha waaxda tayo dhowrka Waxbarashada ee Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdiqaadir Yuusuf Nuux ayaa MOE Puntland u sheegay in tayada waxbarashada iyo kormeerkan uu yahay muhiimadda koowaad ee Wasaradda Waxbarashada, maadama madaxda ugu saraysa ee wasaaradda ay balan qaadeen in kor loo qaadayo aqoonta waxbrasho ee deegaanada Puntland, waxana magaaladda Garowe ka sagootiyey Wasiir ku -xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta sare Dr,Maxamed Cali Farax iyo Agaasimaha guud ee Wasaaraadda, waxayna kula dardaarmeen inay si wanaagsan shaqadaa loo igmaday u soo qabtaan.

Kooxahan Mudug aaday ayaa u kala qaybsan saddex kooxood oo loo kala diray Degmooyinka Gaalkacyo, Jariiban iyo Galdogob, waxayna la kulmayaan mamulka waxbarashada ee degmooyinkaasi, Iskuulada iyo hab-sami u socodka hanaanka waxbarasho ee Gobalka, waxayna ka dib soo gudbin doonaan war bixin faah faahsan oo ka hadlaysa waxay kusoo arki doonaan goobaha waxbarashada, waxayna u guur galayaan Macalimiinta, Ardayda iyo Mamulayaasha.

Wasaradda waxbarashada ayaa markii ugu horaysay koox kormeere ah u dirtay Gobalka Gardufuu oo dhowaan kusoo biiray Gobaladda Puntland, wafdigan ayaa si la mid ah kuwa Mudug loo diray u guur galaya xaalada waxbarashada ee Gobalka, iyadoona kulamo kala duwan ay la qaadanayaan mamulka waxbarashada, Macalimiinta iyo ardaydda.

Waxqabadyada Kormeerka

1.Baarista iyo Hubinta ardayda booda iyo cadaynta sugnaanta badelada.
2.Hagaajinta Maamulka Dugsiga.
3.Cashar eegista Fasalka
Shaqo ku Tababaridda Macalinka,Maamulka iyo kormeereyaasha Taageerada u baahan.
5.Qiimaynta Deegaanka Waxdhigista.
6.Qiimaynta Socodka iyo Nooca Manhajka.
Qiimaynta Xiriirka Dugsiga iyo Bulshada.
8.Uruurinta Xogta iyo u Gudbinta Daneeyayaasha.
Xalinta khilaafadka.
9. U kuurgalidda Arimaha Dhaqaalaha.
10. Diiwaangalinta Dugsiga.
Doonista Goobaha kasaaradda.
11. Wacyi galinta Ardayda,Macallimiinta iyo Maamulka Dugsiga.
12. Qiimaynta Saraakiisha Waxbarashada Gobolka
13Tababar Kooban oo Saraakiisha Kormeerku .

Najiidda ay wasaaradu uga gol leedahay Kormeerka ayaa ah 

1. sidii loo xakamayn lahaa booditaanka Ardayga oo Caqabad ku ah Tayada Waxbarashada.

2.Maamulka Dugsiga oo Hagaaga.
3. kobcinta Macallinka, Maamulka iyo kormeerayaasha aan khibrad lahayn.

4.Wanaajinta Aqoonta Aradyga oo kor loo Qaado.
5.Xiriirka Bulshada iyo Qorshaha Dugsiga oola Wanaajiyo.
6. Baahiyaha Dugsiga oo la daboolo.

Wasarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Dowladda Puntland ayaa horay u balan qaaday inay baahiso waxbarashada Puntland, bishan soo socota Ayaa Waxaa la Qaadaya Imtixaamadkii Kama danabaysta ah Ee Dugsiyada dawlad goboleedka Puntland 2014-2015.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
ISha wararka Horumarka Deegaanka Calbari 
nagala soo xiriir: Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain