Agaasimaha Wasaaradda Haweenka Puntland oo Garowe lagu xirey kadib markay weerartay Wasaarada Haweenka

Muddo kooban waxaa maanta saldhigga booliska ee Garowe lagu xirey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka Puntland Muno Daahir Dalmar. 

Xarigga agaasimaha aya yimid kadib markii ay weerar ku qaaday xarunta Wasaarada Haweenka iyo arimaha Qoyska Puntland oo ay xoog ku gashay xafiis laga xanibay laba bilood ka hor.

arintan ayaa la xiriirta khilaaf soo kala dhex galay iyada iyo Wasiiradda Wasaaradda Haweenka Aniso Cabdiqaadir xaaji Muumin Khilaafkan ayaa soo jiitamayey todobaadyadii u dambeeyey, wuxuuna sii xoogeystey kadib markii Wasiiraddu sheegtay inay xilka ka xayuubisay agaasimaha.

Xukuumada C/wali Gaas ayaa la kulanta Amar diido masuuliyiinta xilalka ay ka badasho ayagoo masuuliyiintaasi isticmaalaya awood qabiil iyo maleeshiyo beeleedyo ay ku xajisanaayaan boosaskooda 

Shabakada Baargaal.net
Isha wararka Horumarka Calbari
nagala soo xiriir : Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain