Bandhig Buugeed iyo carwo dhaqameed lagu qabtay daartii Boqor cismaan ee Degmada Baargaal (Sawiro)

Bandhig Buugeed iyo carwo dhaqameed lagu qabtay daartii Boqor cismaan ee Degmada Baargaal (Sawiro)
Daarta Boqor cismaan maxamuud oo kamid ah qalcadaha taariikhiga ah ee Degmada Baargaal iyo Gobolka Gardafuu ayaa waxaa lagu qabtay bandhig buugeed si fiican loo soo agaasimay, waxaana iska kaashaday bandhigaas maamulka degmada Baargaal , dhalinyarada ururka dhaqdhaqaaqa iyo horumarinta bulshada ee ACDO iyo  Shirkadda ScanSom oo daabacda buugta af Soomaaliga ku qoran.

ugu horayntii Waxaa xaflada furitaanka bandhiga ka hadlay Nabadoon Axmed salaad C/raxmaan oo ka sheekeeyay taariikhda dheer ee daarta Boqor cismaan ee Bandhiga lagu qabtay asagoo sheegay nabadoonku inuu waxbarashadiisii hoose ku dhigtay isla daartan gaar ahaan qolkan maanta lagu qabaanaayo Bandhiga.

waxaa lagu sharfay munaasabada furitaanga bandhiga Buugaagta oo kormeer ku marayay deegaanka Wasiirkii hore ee waxbarashada iyo kaluumaysiga ee Dowladdihii soomaaliya xildhibaan Aadan Maxamed Cali oo asna ka waramay taariikhda dheer ee soo jireenka ah ay daartan saldhiga u ahayd boqor cismaan asagoo wasiirku sheegay inuu isna waxbarashadiisii asaasiga ahayd ku soo qaatay daartan.

waxaa isna ka hadlay madasha furitaanka bandhiga buugaagta Mudane Buruuj maxamuud diiriye oo u hadlay ururka dhalinyarada ee ACDO asagoo sheegay in ururkoodu ayagoo la kaashanaya maamulka degmada uu qayb ka qaatay dayactirka daartan taariikhiga ah gaar ahaan qaybtan maanta carwadan buugta laga furay asagoo sheegay in ururkoodu diyaar u yahay ka qayb qaadashada horumarka deegaanka.

intaasi kadib waxaa ka hadlay xaflada Gudoomiyaha Degmada Baargaal Mudane abuukar axmed yuusuf oo soo dhaweeyay bandhigan markii ugu horaysay lagu qabtay degmada Baargaal iyo gobolka gardafuu asagoo
bulshada Baargaal ku dhiiri galiyey inay buugta qaataan oo ay akhristaan maadaama ay ku qorantahay afkeena hooyo kana tarjumayso dhaqankeena.

Waxaa isaguna xaflada ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu Mudane C/qaadir iidi oo soo dhaweeyey shirkadda Scansom, si rasmi ahna u furay bandhig buugeedka, islamarkaana u mahadceliyey shiradda ScanSom
ee bugaagta dabacday asagoo ugu baaqay bulshada Baargaal qof walba inuu hal buug ku soo kordhiyo maktabadan maanta la furay.


Ugu dambeyntii waxaa munaasabada ka hadlay qoraa iyo cilmi baare Maxamed Sheekh Xasan oo ah maamulaha Shirkada Scansom, wuxuuna sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in band inuu wax ka qori doono taarkhda magaalada








SHABAKADA BAARGAAL.NET

Isha wararka Horumarka Calbari
email: Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain