Beesha Ibraahim Cabdisamad oo Ku dhawaaqday in ay kalsoonidii kala noqotay Maamulka Gobolka Gardafuu ee uu hogaamiyo Mudane C/qaadir iidi

Odayaasha Waxgaradka, Aqoonyahanka, Culamaa’udiinka & dhamaan qaybaha kala duwan ee Bulshada kasoo jeeda Beesha Ibraahim Cabdisamad ee aadan C/raxmaan ee ku sugan Degmada Baargaal oo maalmihii ugu Danbeeyay lahaa shirar ay kaga tashanayeen halka ay maanta marayso xaaladda deegaanka ayaa Habeenimadii Shalay Maamulka Gobolka Gardafuu hada Gacanta Ku haya u gudbiyay Go'aankooda in ay gabi ahaanba kalsoonidii kala noqdeen Maamulka uu hogaamiyo Mudane C/qaadir Maxamed Yuuusf iidi waxayna qodabada ay soo saareen oo qaar kamid ah lasoo gaarsiiyay shabakadda Baargaal.net ay u qornaayeen sidan:-



Date  20 / 5 / 2015

KU:- XAFIISKA MADAXWAYNAHA DAWLADA PUNTLAND                         
KU: XAFIISKA MADAXWAYNE KU XIGEENKA DAWLADA PUNTLAND       
KU:- WASAARADA ARIMAHA GUDAHA & H. MIYIGA                                  
KU:-BEELAHA WALALAHA EE DEEGAANKA

OG:- GUDOOMIYAHA GOBOLKA GARDAFUU  CABDI QAADIR MAXAMED  YUUUSUF IIDI

UJEEDO:-KALSOONI KALA NOQOSHO MAAMULKA GOBOLKA EE UU HOGAAMIYO GD. CABDI QAADIR MAXAMED IIDI EE BEESHA IBRAAHIM CABDISAMAD

Shalay oo ay Taariikhdu Aheyd 20/05/2015 waxaa shir Isugu yimid magaalada Baargaal odayaasha , Aqoonyahannada, Siyaasiinta iyo qeybaha kala duwan ee Beesha IBRAAHIM CABDISAMAD ee ku sugan Degmada Baargaal.
Wax Garadka Beeshu Waxaa ay ka Doodeen Xaaladda Deegaanka ka taagan,Falanqeyn dheer ka dib beesha waxaa U Caddaatey in Lagu Sameeyey gaboodfal iyo Xaqiraad laga xaqirey Xuquuqda ka Qeybgalka maamulka iyo Talada Gobolka ee ay beesha Xaqa u Laheyd, Masuuliyada Arrintaasna uu Leeyahey Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu Cabdi qaadir Maxamed Yuusuf Iidi Asaga Oo Dhegeha ka furaystay Talooyin iyo wax u sheeg badan oo ay Beeshu ugu tagtey marar badan

Beeshu Waxey Isla Qaadatey Soona Saartey Qodobadan hoos ku qoran

  1. Beeshu Waxey Cadeyneysaa Maanta oo Taariikhdu Tahey 20 May 2015 in ay kala Noqotay Kalsoonidii Dal & Dibadba Maamulka Gobolka Gardafuu ee uu hogaamiyo C/qaadir Maxamed Yuuusf Iidi Kadib Markay Aragtay Nidaamka Ku dhisan Nin Jecleysiga Iyo Duudsiga Xaquuqda Bulshada Deegaanka Lagu Hayo Gaar Ahaan Degmada Baargaal.                     
  2. Beeshu Waxey ka Codsaneysaa Dowlada Puntland Inay  in Si Deg Deg ah  ay usoo Faragaliyaan Dhibatada Ka Aloosan Gobolka Gardafuu ee Halista ah Sababi Kartana Dhibaatooyin Badan                                                                                                              
  3. Beeshu Waxey Cambaaraynaysaa  Gabood Falka Gaarka ah Iyo kala Fogeynta Bulshada Deeganka ee uu ku kacay Maamulka Gobolka Gardafuu ee uu hogaamiyaha Ka yahay Mudane iidi.                                
  4. Beeshu Waxey Gudi heer Sare Ah U Saartey Dhaqan Galinta Qodobada Kor ku Xusan
    Wabilaahi Towfiiq











BAARGAAL.NET
Isha wararka Horumarka Calbari
naga la soo xiriir : email: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain