Boqor Burhaan oo maanta si diirran loogu soo dhaweeyay magalada Muqdisho (Sawirro)

Boqor Burhaan oo maanta si diirran loogu soo dhaweeyay magalada Muqdisho (Sawirro)
Waxaa maanta oo Tallaado ah magalada Muqdisho Caasumadda Soomaaliya si diirran loogu soo dhaweeyay Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse oo labadii bilood ee lasoo dhaafaro kala duwan ku marayay Qaaradda Yurub iyo Maraykanka, iyadoona uu kusoo gabo-gabeeyay safarkiisii dibadda dalka Koonfur Africa.

Soo dhawaynta Boqor Burhaan ee Muqdisho waxaa ka qayb galay wasiirka koowaad ee dalka Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke, Odayaasha dhaqanka Muqdisho, wasiiraddii hore ee Soomaaliya, kuwa hadda jooga iyo Xildhibaano.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid iyo Boqor Burhaan ayaa mudo ku wada sheekaystay garoonka diyaaradaha Aadan Cadda, Sharmarke ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay imaansnahaha Boqorka Caasumadda Soomaaliya.

Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa ka mahad celiyay sidda wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay magalada Muqdisho, waxa kale uu ka waramay socdaalkiisii ugu danbeeyay ee dalka Koonfur Africa iyo cida uu la kumay.

Dalka Koonfur Afrika waxaan kala kulmay soo dhaweyn aad u balaaran oo ay ka qayb qaateen dowlada dalkaas iyo ganacsatada Soomaaliyeed, waxaana kulamo la qaatay Wasiirada Ganacsiga, waxaana kala hadlay sidii dadka Soomaaliyeed looga caawin lahaa iney ku ganacsadaan si sharci ah, looguna fududayn lahaa dukometiyada khuseeya, waxaan sidoo kale kulamo la qaatay Boqorka Suuluuga oo muhiimad gaar ah u leh sidii Soomaalida u heli lahayd amaan ay kaga ganacsato dalka Koonfur Afrika, wuxuuna iga balan qaaday inuu u istaagayo sidii Soomaalida ugu noolaan lahayd dalkaan si xorr ah, waxaa kale oo aan ku heshiinay inaan samayno guddi labada dhinac ah si loo xaliyo waxyaalaha udub dhexaadka u ah dhibaatada soo gaarta dadka Soomaalida ah”.





SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka Horumarka CAlbari
Nagala soo xiriir : Email: Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain