Daawo Sawiro : Gudoomiyaha Degmada Baargaal oo Maanta Furay Imtixaanka Shahaadiga Ah

Gudoomiyaha Degmada Baargaal Mudane Abuukar Axmed Yuusuf ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 23-5-2015 magaalada Baargaal ee Gobolka Gardauu ka furay imtixaanka guud ee shahaadiga ee sanad dugsiyeedka 2014/2015, waxaana uu kaga qeybgalay dugsiga Hoose Dhexe ee Degmada Baargaal .

Munaasab kooban oo lagu furaayay imtixaanaadka shahaadada Dugsiyada Dhexe , ayaa laga Jeediyay khudbado lagu muujinayay ahamiyada waxbarashada , iyo inay tahay maanaty guul taarikhi ah oo u soo hoyatay Bahda waxbarashada ee Deegaanka.

Sanadkan waxaa u fariistay imtixaanaadka lagaga gudbaayo fasalka 8 aad Dugsiga Hoose / Dhexe Sare ee Baargaal 38 arday oo isugu jira wiilal iyo gabdho.

waxaa sidoo kale maanta ay imtixaanaadka shahaadiga ah ee looga gudbaayo Fasalka Sideedaad ay ka bilodeen Degmada Bareeda halkaas oo ay imtixaanka sanadka u fariisteen 13 arday.

DAAWO SAWIRADA


 
 SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari
nagala soo xiriir : baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain