Dawlada Oman oo Dekedeheeda ka Joojisay Maraakiibta jiriifka ee sida sharci darada ah uga kaluumaysta xeebaha Soomaaliya

Dawlada Oman oo Dekedeheeda ka Joojisay Maraakiibta jiriifka ee sida sharci darada ah uga kaluumaysta xeebaha Soomaaliya
Dawlada Oman ayaa ka mamnuucday dekedaha wadankeeda iney kusoo xirtaan maraakiib jiriif ah oo si sharci daro ah uga kaluumeysta xeebaha Soomaaliya gaar ahaan Puntland.

Go aanka dawlada Oman ayaa yimid kadib marki hey’ad caalami ah oo lagu magacaabo Environmental Justice Foundation (EJF) ay ka codsatay dawlada Oman in ay ka mamnuucdo dekedaha dalkeeda inay kuso xirtaan maraakiibtan.

Hay ada Environmental Justice Foundation ayaa sheegtay in maraakibtan ay dusha kala socdeen howlaha kaluumeysi ee ay ka wadaan xeebaha Somalia hey ada oo adeegsaneysa Sattelite Technology lagula socdo dhaq dhaqaaqa gaadiidka bada maraya.

Qoraal kaso baxay hey ada Environmental Justice Foundation iyo masuul ka tirsan dekada Salalah ee wadanka Oman ayaa lagu sheegay in maraakibtan laga leeyahay wadanka Korea balse hada ay isticmaalaan magacyada (Xaysimo 1 and 2 iyo Butiyalo 1 and 2) iyo calanka Soomaaliya.

sidoo kale Dawlada Korea ayaa sheegtay in maraakibtan ay ka mamnuucday iney kaluunka ay kaso qabtaan xeebaha Soomaaliya aysan geyn karin wadanka Korea kadib marki dawlada Korea ay ogaatay in maraakibtan ay si sharci daro ah uga kaluumeystaan xeebaha Somalia iyaga oo adeegsada qalab nabaad guur ku keenaya kaluunka iyo khayraadka kale ee bada ku nool.

Xiriir dhex maray dawladaha Oman iyo Somalia ayaa dawlada Somalia ay ku sheegtay in aysan jirin maraakib ka diiwan gashan wadanka Somalia oo sita calanka Somalia. Warbixintan ayaa lagu sheegay in maraakibtan ay si sharci daro ah uga kaluumeysanayeen xeebaya Somalia mudo kudhow 15 sano.

Maraakiibtan jiriifka ayaa u isticmaali jirey Dekada Salalah ee wadanka Oman meel ay geeyaan kaluunka ay kaso qabtaan xeebaha Soomaaliya.

Nikolase key ayaa Sida oo kale waxaa uu dawlada Oman uga mahad celiyey Go aan ka ay ka Qaadatay Maraakiibta Sharcidarada ah ee Mudada Dheer ka ka Luumaysanayeyy Xeebaha Soomaliya ee Ku soo Xirta Dekeda Salalah ee oman











SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari
email:baargaal@gmail.com

Developed by Jago Desain