(Dhegeyso) : Wasiirka Haweenka Puntland oo ka warbixisay waxqabadya Wasaaradda Lixdii bilood ee u danbaysay

(Dhegeyso) : Wasiirka Haweenka Puntland oo ka warbixisay waxqabadya Wasaaradda Lixdii bilood ee u danbaysay
Wasiirka Wasaaradda horumarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin oo maanta waraysi siisay Mareegta Raxanreeb.com ayaa ka warbixisay waxqabadyadii u qabsoomay lixdii bilood ee la soo dhaafay.

Wasiirka Haweenka Puntland Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin ayaa sheegtay in mudooyinkii danbe ay gacanta ku hayeen siyaasado dhowr ah oo ay kamid tahay siyaasada daryeelka Caruurta dayacan iyo siyaasada jinsiga waxaana ay sheegtay in labadaas siyaasadood dhawaan la daah furidoono.

Wasiir Anisa ayaa sheegtay in kaalmo u fidiyeen qoysas gaaraya 84 qoys ku waasi oo ay haysatay dhibaato dhaqaalo xumo waxaana intaa ku dartay caqabadaha ugu weyn ee haysta haweenka Puntland ay tahay caafimaad daro iyo dhaqaale xumo waxaana intaa sii raacisay in ay aruuriyeen 90 qoyska oo loo diiwaan galiyey in ay caafimaad daro haysato .

Wasiirka oo waraysigeeda dhinacyo badan kaga hadashay ayaa mar la waydiiyey waxyaabaha Wasaarada uga qorshaysan Haweenka iyo Caruurta ka soo cararaya colaadaha dalka yemen waxaa ay sheegtay in wasaaradeedu kaalin mugleh ka qaadatay islamarkaana ay wasaaradu taageero u fidin doonto haweenka soo qaxay ee ku nagaanayah Puntland waxaana ay ganacsatada ka codsatay in ay ka qayb-qaataan kaalmaynta dadkaasi.

halkaan ka dhegeyso waraysiga wasiirka haweenka oo dhamaystiran waxaana waraystay Wariye Jaamac Cabdiraxmaan Axmed 



Shabakada Baargaal.net
isha wararka Horumarka Calbari
email: Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain