Guddiga qabanqaabada shirweynaha wadatashiga iyo midnimada Puntland oo shaaciyay tirada Ergada ka Qeyb galaysa Shirka Iyo halka Shirka Lagu qabanayo

Guddiga qabanqaabada shirweynaha wadatashiga iyo midnimada Puntland ayaa maanta shegay meesha lagu qabanayo shirka.

Dawlada Puntland ayaa shirka ku caasuntay Hogaanka dhaqanka,Aqoonyahanka,dhalinyarada,Culumaa'udiinka,Haweenka,Ururada Bulshada Rayidka ah,Qurba-joogta iyo qaybaha kale ee Bulshada Puntland.

Shirka ayaa waxaa ka qayb galaya 253 ergo oo laga soo xulay gobolada Bari,karkaar, Gardafuu Nugaal, Mudug ,Sanaag, Sool, hayland iyo Cayn oo ah gobolada hoos yimada Dowladda Puntland.

Afhayeenka gudiga shirweynaha wadatashiga iyo midnimada puntland mudane siciid faarax maxamuud iyo nabadoon c/qaadir ibraahim xarago oo xubin ka ah gudiga ahna afhayeenka nabadoonada puntland ayaa maanta shir jaraaid ku qabtay xafiiska odayasha dhaqanka ee boosaaso kuna faah fahiyaay waqtiga iyo meesha shirka lagu qabanayo.

Nabadoon Cabduqaadir Axmed ibrahiin Xarago ayaa ugu horayn faah faahin ka bixiyay meesha shirka lagu qabanayo iyo xubnaha ka soo qab galaysa, Wuxuunna Sheegay in Tiridda Ka Qeybgalaysa ay ka kooban yihiin 253 xubnood oo ka kala yimid qaybaha kala duwan ee bulshada sida isimada dhalinyarada, haweenka culimada iyo qurbajoogta.

Nabadoon xarago ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in shirka uu ka dhici doono magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, balse ma uusan xaqiijin xiliga rasmiga ah ee uu shirku furmi doono

Dabayaaqadii sanadkii 2014-kii mar uu madaxweyne C/wali Cali Gaas uu ka qayb galayay caleema saarkii boqorka beelaha daarood boqor Burhaan boqor Muuse ayuu shaaca ka qaaday in la qaban doono Shirwaynaha wadatashiga beelaha wada dega gobolada Puntlaand.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain