gudoomiye Cusub oo loo magacaabay Gobolka Bari iyo Degmada Booasso

Waxaaa Galabta Lagu dhawaaqay maamulka cusub ee gobolka Bari iyo kan degmada Bosaaso.

Warsaxafadeed ka soo baxay madaxtooyada Boosaaso oo uu akhriyay afhayeenka madaxtooyada Puntland Cabdilaahi Jaamac Quraanjecel , ayaa lagu sheegay In la kala diray golihii deegaanka ee degmada Bosaaso oo madax uu u ahaa Xasan Cabdalle Xasan , waxaana la magacaabay gudoomiye iyo kuxigeen.

gudoomiyaha Degmada Boosaaso waxaa loo magacaabay Maxamed Siciid Shabeel (Bocool) halka ku-xigeenka degmada loo soo magacaabay Qaasim Cabdiraxmaan Maxamuud (Caluuke).

halka Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Bari loo magacaabay Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo), Ku-xigeenka koowad waxaa losoo magacaabay Axmed Cali Cabdullaahi halka guddoomiye kuxigeenka labaadna loosoo magacaabay Axmed Xaji Maxamed.


Mudane Dhado ayaa horey Xilal kala duwan kasoo qabtay Maamuladii Puntland asagoo xilkan horey u soo qabtey waxaana uu hayey sanadihii 2003 – 2006 

Mudane Dhedo ayaa badalaya gudoomiyaha xilka laga qaaday ee c/samad maxamed gallan.
SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka calbari
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain