May 20, 2015

Gudoomiye ku xigeenkii Kowaad ee Gobalka Bari Yuusuf Muumin Bidde oo ku geeriyooday magaalada Qardho

SHARE
Allaha u naxariistee waxaa magalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar ku geeriyooday gudoomiye ku xigeenkii koowaad ee Gobalka Bari, Yuusuf Muumin Bidde oo mudooyinkii lasoo dhaafay xanuunsanayay.

Alla ha u naxariistee, Yuusuf Muumin Bidde, wuxuu muddo 13 sanno ahaa Guddoomiye K/xigeenka 1aad ee Gobolka Bari, isagoo xilkaas qabtay sanadkii 2002, xiligaas oo u dalka ka talinayay madaxweynihii hore ee puntland C/laahi yuusuf Axmed.,

Alla ha u naxariistee, Yuusuf Muumin Bidde waxaa kaloo uu noqday Duqa Degmadda Bosaso, waqti kooban, wuxuu jagooyin kala duwan ka soo qabtay dowladda hoose ee degmooyin ku yaal Gobolka Bari iyo Gobolada kale ee somaliya,wuxuna sidoo kale ka mid ahaa masuuliyiintii lasoo shaqeeyay dowladdii Maletariga ee Gen.Maxamed Siyaad Barre.

Gudoomiyaha Gobalka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan, Gudoomiyihii hore ee Gobalka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey ayaa tacsi diray ehelkii iyo qaraabaddii uu masuul ka baxay, waxay kaloo sheegeen inuu ahaa Oday Soomaaliyeed oo umadda oo dhan ka geeriyooday.

Dhamaan Hawl wadeenada Shabakada Baargaal.net waxay tacsi dhankooda u dirayaan Ehelada iyo qaraabada uu ka geeryooday 
Alla ha u naxariistee Yuusuf Muumin Bide,iyo Reer Puntland iyo Dhamaan Ummada Soomaaliyeed ilaahay dhamaan samir iyo iimaan ha naga wada siiyo .

SHARE

Author: verified_user