Hambalyo Halyeeyadii Qardho City oo sanadka Matalaayay Puntland iyo soomaaliya oo galay kaalinta labaad ee ciyaaraha Inter Cities [Sawiro]

Hambalyo Halyeeyadii Qardho City oo sanadka Matalaayay Puntland iyo soomaaliya oo galay kaalinta labaad ee ciyaaraha Inter Cities [Sawiro]
Kooxda kubadda Kolayga ee Qaahira ayaa dib u dhaceedii bilowga ciyaarta u badashay guul ay uga adkaaday si adag Halyayyada Qardho City oo soo gaaray ciyaartii kama danbaysa ee koobka Inter Cities ee ka socday magaalada Daara-salaam ee dalka Tanzaaniya ee 2015.

Kooxda Qaahira ayay guushu ku raacday 75-dhibcood halka kooxda Qardho-na ay la timi 56-dhibcood,

Dadaalka iyo heer ciyaareed ay soo bandhigeen Ciyaartooyda Qardho City ayaa u ah guul taariikhi ah guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan Puntland.

Halyayada Qardho City ayaa rajaynaayay ciyaar aargoosi ah inay kaga badayiyaan kooxda Cairo city oo sanadkii la dhaafay sidoo kale ciyaartii kama danbaysta ahayd guusha ka qaaday kooxdii Garowe City oo soo gaartay Ciyaartii kama danbaysta ah

Halyeeyada Kooxda Qardho City ayaa ciyaaro kulul soo bandhigay ayagoo kasoo baday dhamaan kooxihii ay la kulmeen wareegyadii hore oo ay ka mid tahay kooxda martida loo yahay ee caaasimada Daarasalaam.

SHABKADA BAARGAAL.NET
ISha wararka Horumarka Calbari
email: Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain