Madaxwayne Gaas Oo Kulan La Qaatay Xildhibaanada Ku Kacsan

Madaxwayne Gaas Oo Kulan La Qaatay Xildhibaanada Ku Kacsan
Wararka naga soo gaaraya caasimada puntland ee garowe , ayaa sheegaya in M/weyne C/wali maxamed cali Gaas uu kullan la qaatay Xildhibaanada ku kacsan siyaasadiisa.

Wararku waxay intaasi ku daraayaan in kullanka labada dhinac uu kusoo dhamaaday is afgarad.

Madaxwayne Gaas ayaa aqbaley wax ka qabashada dhammaan qodobadii xildhibanaddu ku dalbanayeen in loo baahan yahay kalfadhi degdeg ah oo Barlamanka Puntland isugu yimaado.

Wararka ayaa sheegaya in wadahadalka oo muddo badan socdey xildhibaanadu kusoo bandhigeen dhibaatooyinka dhaqaale, amni, siyaasad iyo habacsanaan ay sheegeen inay haysato xukuumada Madaxweyne Cabdi wali Gaas islamarkaana waxey ku goodiyeen in hadaan wax laga qaban arrimhan ay sii wadi doonaan mooshinka ka dhanka ah xukuumadiisa.

Madaxweyne Gaas ayaa aqbaley in isbadal degdeg ah uu ku sameeyo golihiisa wasiirada maalmaha soo socda. Dhinaca kale mudanyaasha ayaa ka dalbadey madaxweyne abdiwlei Maxamed Cali Gaas in xukuumaddiisu joojiso faragelinta ay ku hayso Barlamanka Puntland madaama uu yahay aqalka wakiiladu hay'adii soo dooratey golaha fulinta Puntland.

BAARGAAL.NET
isha wararka horumarka calbari
Email: Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain