May 18, 2015

Madaxweynaha maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh aadan oo ka badbaadey weerar Miino loo adeegsadey

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed mudane  Shariif Xasan Shiikh Adan ayaa ka badbaadey, qarax miino oo lala eegtey kolonyo gawaari ah oo uu la socdey.

Weerarka ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa degmada Afgooye iyo Carbiska, waxaana qaraxu qabsadey mid kamid ah gawaaridii la socotey Shariif Xasan Shiikh Adam.

Sida wararka la helaayo sheegayaan qaraxa ayaa ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso isla markaana aalad laga hagaayey.
War faah-faahsan weli kama soo bixin khasaaraha ka dhashey qaraxa, waxaase la hubaa in Shariif Xasan ka badbaadey weerarkaas.

Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa ahaa Xildhiban ka tirsanaan jirey Baarlamaanka Soomaaliya tan iyo sanadkii 2000, Waxaana uu muddo laba jeer ah soo noqdey Guddoomiyaha Baarlamaanadii kumeel-gaarka ahaa ee Soomaaliya.

Shabakada Baargaal.net
Isha wararka Horumaraka Calbari
nagala soo xiriir : Baargaal@gmail.com 
NEXT ARTICLE Next Post
PREVIOUS ARTICLE Previous Post
NEXT ARTICLE Next Post
PREVIOUS ARTICLE Previous Post
 

Delivered by FeedBurner