Nabaoon Buruuj Cali Axmed oo ka hadlay shirka wadatashiga puntland iyo maamulka loo samaynaayo gobolda dhexe ee soomaaliya

Nabaoon Buruuj Cali Axmed oo ka hadlay shirka wadatashiga puntland iyo maamulka loo samaynaayo gobolda dhexe ee soomaaliya



Nabaoon Buruuj Cali Axmed oo kamid ah Nabadoonada Deegaanka Baargaal iyo Gobolka Garadafuu ayaa kahadlay shirka wadatashiga puntland ee dhowaan kadhici doona magaalada gaalkacayo iyo weliba maamulka loo samaynaayo gobolada dhexe ee soomaaliya  .

Nabadoon Buruuj Cali Axmed oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in puntland 17 sano kadib isugu timaado arimeheeda si  horay loogu sii socdo loona saxo wixii qaldamay intii puntland jirtay

Nabadoonka Ayaa asagoo Hadalkiisa Sii wata Yiri 

"Waxaynu soo marnay waqti inoogu filan waayo argnimo maanta wax keen iskaga khaldamaaya ma jiraan waxaa horay u jiray 1998 dii wax yaabo badan oo mugdi ku jiray"

Gudiga qabanqaabadu waa inay si  taxdar leh u xulaan dadka ka qayb galaya shirka oo reer Puntland u wada dhanyihiin ka qayb galka shirka iyadoo la tixgalinayo deegaan kasta wuxuu mudanyahay  ayuu yiri nabadoonku .

Nabadoon Buruuj Cali Axmed oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri 

"Dadka ka qayb galaya shirka waa inay noqdaan dad fahamsan puntland marxaladihii ay soo martay iyo waxa ay ku sugantahay waqtigan  waana in qayb wayn laga siiyaa odayaasha dhaqanka sida isimada iyo nabadoonada"

Nabadoonku wuxuu xusay in xiligii puntland  la dhisayay degaano badan aysan helin xaqii ay puntland ku lahaayeen laakiin  ay ku sabrayeen ilaalinta midnimada iyo magaca puntland maantana la gaaray xiligii ay heli lahaayeen xaqoodii .

Wuxuu kale oo nabadoonku ka hadlay dhismaha maamul ka gobolada dhexe wuxuuna yiri nabadoonku waxaan soo dhowaynaayaa deegaan walba oo soomaaliyeed in uu helo maamul u adeega  si ay u helaan kala danbayn ugana baxaan fawdada.

Koonfurta mudug iyo galguduud waa inay maamul samaystaan kana haraan hanqaltaaga woqooyiga mudug oo ah qayb ka mid ah puntland hadii ay sidaasi yeelaan waynu taageeraynaa  walaaleheen waana soo dhawaynaynaa ayuu kudaray nabadoonku.

 SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka Horumarka calbari
nagala soo xirii: Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain