RASMI: FIFA Oo Markii Shanaad Sepp Blatter U Doortay Madax Waynaheeda Afarta Sannadood Ee Soo Socda Iyo Prince Ali Oo Wareega Labaad Ee Codbixntii Doorashada Iskaga Baxay

Xiriirka kubbada cagta aduunka ee FIFA ayaa markii shanaad Sepp Blatter u dooratay inuu noqodo madax waynaheeda afarta sannadood ee soo socda Kadib markii uu Blatter wareegii kowaad ee codbixinta FIFA uu ku soo bixi waayay balse uu helay codka ugu badan ayuu Prince Ali go’aansaday in aanu sii wadan codbixinta wareega labaad ee FIFA, waxana sidaa si rasmi ah madax waynaha FIFA markii shanaad ku noqday Blatter.

Wareega hore ee codbixinta doorashada madaxtinimada FIFA ayuu Blatter helay 133 cod, laakiin waxa uu ku guuldaraystay inuu helo 139 cod ee uu wareega hore ugu guulaysan lahaa in loo doorto madaxwaynaha FIFA taas oo ah laba meeloodow saddex codka guud ee 209 xubnood, waxaana 73 cod helay Prince Ali. 

Sidaa daraadeed waxaa loo baahday wareega labaad is loo kala saaro Blatter iyo Pirnce Ali basle inta ayna codbixinta wareega labaad bilaamin ayuu Pirnce Ali ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay wareega labaad.

Inkasta oo ay FIFA ku jirto xaalada murugo iyo ceeb badan ayay haddana xubnaha FIFA doorteen in Sepp Blatter uu afarta sannadood ee soo socota uu ahaado madax waynahood.

Xiriirka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa ka mid ahaa dhinacyada sida wayn uga soo horjeeday in Blatter dib loo doorto waxayna ku hanjabeen inay haddii Blatter dib loo doorto ay ka fiirsan doonaan ka soo qayb galka koobka aduunka ee 2018 ka lagu qaban doono Russia.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka Horumarka Calbari 
Developed by Jago Desain