Waxqabadka Isbuuclaha ee Wasaaradda Horumarinta Haweenka Iyo Arimaha Qoyska Puntland May 20 ilaa May 26

Waxqabadka Isbuuclaha ee Wasaaradda Horumarinta Haweenka Iyo Arimaha Qoyska Puntland May 20 ilaa May 26
Waxqabadka Wasaarada Haweenka Iyo Arimaha Qoyska Puntland May 20 ilaa May 26.

1.Wasaarada ayaa la kulantay Agaasimaha Walaalaynta Magaalooyinka Boosaaso iyo Minneapolis. 

2.Waxay wasaaradu falanqaysay habkii loo walaalayn lahaa Jaamacada Bariga Afrika ee Puntland iyo Jaamacada Minnesota oo ah jaamacadaha caafimaadka lagu barto islamarkaasna ah kuwa ugu sarsareeya uguna tayada badan oo wax laga barto.

3.Waxay wasaaradu soo gabagabaysay shaqo qeexida iyo howlaha la xiriira awaamiirta shaqada iyo shaqaalaha wasaarada oo lala waday hayada UNDP.

4.Wasaarada waxay la kulantay koox ka socota hayad Ingriis ah oo daraasaynaya caafimaadka bulshada iyo dhibka gudniinka gabdhaha ku hayo haweenka.

5.Wasaaradu waxay diyaarisay qabyo qoraalka laba siyaasadood; Daryeelka Guud ee Caruurta iyo Ka Hortaga Tacadiga. 

6.waxay wasaaradu la kulantay laba hay'adood oo maalgelin doona aas-aaska iyo daah-furka siyaasadahan.

7.Wasaarada waxay isku duba riday qoraal ay ku baahinayso waxqabadka wasaarada lixdii bilood oo lasoo dhaafay.

8.Wasaaradu waxay diyaarisay barnaamijyada lagu daabaci lahaa wargayska wasaarada oo la magac baxay Raas.

9.Waxay wasaaradu ururisay baahiyaha 30 qoys oo xaafad ka mid ah xaafadaha Garoowe oo aan ilmahooda dabka u shidin.

10.Wasaarada waxay la kulantay PDRC si ay u meel dhigaan howlaha la xariira mag aruurinta beelaha Dulmiga soo jireenka  tirsanaya ee dhowrkii sano ee ugu dambeeyay xoolaha magta la aruurinayay.

11.Wasaaradu waxay la kulantay koox ka socota UNFPA oo qaabilsan barnaamijka CARMMA.

12.Wasaaradu waxay la kulantay xubnaha ugu sareeya qaar ee Wasaarada Caafimaadka oo looga falanqooday habkii loo xoojin lahaa baahiyaha haweenka uurka leh iyo dhalaanka, nafaqaynta, xarumaha caafimaadka iyo dhamaan wacyi gelinta loo baahan yahay in qoysaska Puntland helaan.

Source : MOWDAFA
Daabacaad :    SHABAKADA BAARGAAL.NET
                      Isha wararka Horumarka Calbari
                      email: Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain