Xihibaano ka tirsan Puntland oo mooshin ka keenay xukeemadda Madaxwayne C/wali Gaas

Xihibaano ka tirsan Puntland oo mooshin ka keenay xukeemadda Madaxwayne C/wali Gaas
Xildhibaano tiradoodu gaarayso 21 xildhibaan ayaa gudoomiyaha golaha shacabka Puntland Siciid Xasan Shire u gudbiyay mooshin ka dhan ah xukuumadda uu hor kacayo madaxweyne Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, sidoo kale waxay xildhibaanadu cod sadeen kalfadhi degdeg ah in la qabto kaasi la iskugu yeeraayo xubnaha goloha shacabka.

Dalabkaan ka soo yeeray xildhibaanada mooshinka keenay ayaa waxaa loo sababay xaalado adag oo ka jira Puntland oo ay ugu horreeyaan amni daro baahday, Dhaqaale xumo, musuq maasuq iyo daruufo kale oo ka jira Puntland. iyagoona ku eedeeyay xukuumadda in ay ku fashilmatay howshii shacabka Puntland u idmaday.

Arag warqadii uu ku qornaa codsiga mooshinka iyo magacyada xildhibaanada soo gudbiyey mooshinka ka dhan ah Dowladda madaxweyne Gaas.




Developed by Jago Desain